Waxaa loogu magac daray “Xasuuqii Jarmalka ee la iloobay”, oo ay taariikhyahannadu ku tilmaameen xasuuqii ugu horreeyay ee Qarnigii 20-aad, dilkii qorshaysnaa ee loo geystay in ka badan 70,000 oo Afrikaan ah ayaa markii ugu horreysay lagu xusayaa dalka Namibia maalinta qaran ee xuska.
Ku dhawaad 40 sano ka hor inta aanu dhicin Holocaust, xeryo la isku uruursado iyo tijaabooyin cilmiyeed oo been abuur ah ayaa saraakiisha Jarmalku ay u adeegsadeen jidh-dilka iyo dilka dadka waxa markaas loo yaqaanay Koonfur Galbeed Afrika.
Dhibanayaashan oo ay ugu horeeyaan beelaha Ovaherero iyo Nama ayaa la bartilmaameedsaday sababta oo ah waxay u diideen gumaysigu inuu qaato dhulkooda iyo xoolahooda.
Maalinta Xuska Xasuuqa ee dalka Namibia maanta oo Arbaca ah ayaa daba socota sanado badan oo cadaadis lagu saarayay Jarmalka inuu bixiyo magdhow.
Fasaxa cusub, ee qaranka ayaa la xusi doonaa sannad kasta taas oo qayb ka ah “safarka bogsashada” waxaana la samayn doonaa hal daqiiqo oo aamusnaan ah iyo shumacyo bannaanka baarlamaanka ee Windhoek laga shido, sida ay dawladdu sheegtay.
Waxay sheegtay inay dooratay taariikhda 28 May, sababta oo ah waxay ahayd maalintaas 1907 markii saraakiisha Jarmalku ay ku dhawaaqeen xidhitaanka xeryaha ka dib dhaleeceyn caalami ah.
Xukunka dhul weynaha Koonfur-galbeed Afrika – oo ay ka mid ahaayeen waxa hadda loo yaqaan Cameroon, Togo iyo dhulal kale oo gumeysi – ayaa Jarmalka laga qaaday dagaalkii koowaad ee aduunka ka dib, waxa kula dagaalamay quwado kale oo gumaysi.
Sannado badan Jarmalku si fagaare ah uma qirin gowraca baahsan ee dhacay intii u dhaxaysay 1904 iyo 1908.
Laakiin afar sano ka hor waxay si rasmi ah u aqoonsatay in gumaystayaashii Jarmalku ay geysteen xasuuqa, waxayna bixiyeen €1.1bn (£940m; $1.34bn) oo gargaar horumarineed ah bixinteedu soconayso ilaa 30 sano – iyada oo aan lagu xusin in dadkii wax lagu celiyo ” ama xitaa eryga “magdhow” sharciga ahaan.
Namibia waa ay diiday dalabkaas, waxaanay ku tilmaantay “tallaabadii ugu horeysay ee dhanka saxda ah loo qaaday” laakiin lagu guuldareysatay in lagu daro raali gelinta rasmiga ah iyo “magdhowga” ay raadineysay.
Dad badan oo reer Namibia ah ayaan la dhicin waxa ay arkeen, Uahimisa Kaapehi ayaa ka mid ah waxa uu yidhi “Taasi waa kaftan,” . “Waxaan rabnaa dhulkeena, lacagtu waxba maaha.”
Uahimisa Kaapehi, Waa nin ka soo jeeda qowmiyadda Ovaherero iyo xildhibaanka magaalada Swakopmund, halkaas oo in badan oo ka mid ah gabood-falladu ay ka dhaceen, wuxuuna yidhi “xoolihii nala qaatay, beerihii iyo lo’dii ayaa doonaynaa”.
Koox matalaysa qoysaska dhibanayaasha xasuuqa ayaa sidoo kale ka cadhooday heshiiska la bixiyay 2021, iyaga oo ku tilmaamay caddaynta “maskaxda cunsuriyadda ee qaybta Jarmalka iyo u hoggaansanaanta cusub ee gumeysiga ee Namibia” bayaan wadajir ah.
Tan iyo markaas heshiis qabyo ah ayaa u dhexeeya labada waddan kaas oo ay ku jirto raaligelin rasmi ah oo uu bixiyay Jarmalku, kaas oo lagu soo waramayo in lagu kordhin doono lacagta guud ahaan € 50m oo dheeri ah .
Laakin dad badan oo Ovaherero iyo Nama u ololeeya ayaa sheegaya in heshiiskan uu meel ka dhac ku yahay xusuusta awoowayaashood iyo in si cadaalad darro ah looga saaray miiska wada xaajoodka. Wararka ku saabsan maalinta qaran ee xuska ayaa waxaa ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada, iyada oo dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada ay sheegeen in cadaaladda soo celinta ay weli fog tahay .
Dad badan oo u ololeeya ayaa jeclaan lahaa inay arkaan dawladda Jarmalku inay dib u iibiso dhulalka awoowayaasha hadda ku jira gacanta bulshada ku hadasha Jarmalka, oo ay u celiso faraca Ovaherero iyo Nama.
Taariikhyahanadu waxa ay tilmaamayaan yaabka iyo yaabka leh ee uu Jarmalku ilaa hadda u diiday in uu magdhaw bixiyo,sababta oo ah xasuuqa ka hor, Jarmalka laftiisu waxa uu soo saaray magdhawga uu u leeyahay Ovaherero iyo reer Nama oo la dagaalamay gumaystihii.
Sannadkii hore, Namibia waxay dhaleecaysay Jarmalka ka dib markii ay u soo bandhigtay inay u timaaddo difaaca Israel si ay u joojiso inay ka jawaabto kiis dambiyo xasuuq ah oo Gaza ka dhacay oo ka socda maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay.
“Dowladda Jarmalku weli si buuxda ugama cafinayso xasuuqii ay ka geysatay dhulka Namibia,” ayuu yidhi madaxweynihii xilligaas Hage Geingob.