Kami Rita oo markii 31-aad gaadhay figta ugu saraysa buurta adduunka ugu dheer

0
224

Nin xoola jire ah oo ka soo jeeda wadanka ayaa dusha sare ugu baxay buurta ugu dheer adduunka ee loo yaqaano Mount Everest. Ninkan oo lagu magacaabo  Nepali Kami Rita, sidoo kalena loo yaqaan “Everest Man”, ayaa fuulay Mount Everest markii 31-aad, isaga oo jabiyay rikoodh uu isagu hore u dhigay .

Ninkan oo 55 jir ah, sidoo kale waxa uu ka mid yahay hagayaasha hogaamiyaha dadka buurta koraya. Salaasadii todobaadkan ayey ahayd markuu gaadhay halka ugu saraaysa oo dhererkeedu yahay  8,849m, waxaana uu  hagaayay koox saraakiil ah oo ka tirsan ciidamada Hindiya oo buurta fuulay.

“Kami Rita Sherpa wadanka yar ee Nepal waxa uu yahay geesi qaran . sidaas oo kale waxa uu calaamad caalami ah u yahay buurta Everest lafteeda.

Kami Rita ayaa markii ugu horeeyey ku bilaabay shaqada inuu dadka hago isaga oo yar, sanadkii 1994 gaadhay halka ugu saraysa ee lagu tartamo, wixii ka dabeeyey sanad kasta wuu fuuli jiray, isaga oo sanadaha qaar laba jeer fuulay sida 2023 iyo 2024.

Ninka aadka ugu dhow ee la tartamaya rikoodhka Everest waa ninka ay isku wadanka yihiin ee Pasang Dawa kaas oo koray 29 jeer – isku daygii ugu dambeeyay ee la sameeyay todobaadkii hore.

Kami Rita ayaa horay ugu sheegtay warbaahinta inuu wadayo ilaa inta fuulidiisu shaqaynayso.

Waxa uu sheegay inuu  ku faraxsanahay rikoodhka, waxaana uu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay in korodhkaygu uu ka caawiyo Nepal in laga aqoonsado adduunka.”

Horaantii bishan, Kami Rita wuxuu calaamadiyey meelo buurta ka mid ah, oo ay ku jirto mid ka mid ah halka lagu qabto xaflada Puja, oo ah caado Buddhist-ka Tibetan ay ku sii ducaystaan ka hor safarada buurta Everest iyaga oo ku ducaysanay koritaan ammaan ah oo guul leh.

Guusha Kami Rita ayaa timid hal usbuuc kadib markii nin Ingiriis ah oo loo yaqaano Kenton Cool uu isna  markii 19-aad gaadhay figta ugu saraysa buurta adduunka ugu dheer, isaga oo isna sidoo kale jabiyay rikoodhka uu hore u dhigay waxa uu noqday ninka ugu fuulista badan ee aan ahayn reer Nepal oo iyagu buurta la deris ah.

In ka badan 500 oo qof iyo hagayaashooda ayaa si guul leh u fuulay Everest, tan iyo intii la bilaabay, wakhtigana waxa dhammaaday xilligii-koritaanka.

Sanadkan Nepal waxay bixisay in ka badan 1,000 ogolaanshaha fuulista xilli ciyaareedkan – oo ay ku jiraan halka ugu saraysa Everest iyo meelaha kale sida ay sheegtay waaxda dalxiisku.

Tirada dadka isku deyaya in ay koraan Everest ayaa kor u kacay sanadihii ugu dambeeyay. laakiin waxa walaac keentay dadka oo isku badanaya iyo saameynta deegaanka.

Sannadkii hore, mas’uuliyiintu waxay soo saareen sharci u baahan in fuulayaashu ay iska fududeeyaan masaakiintooda si ay u yaraadaan qashinka lagu tuurayo buurta.