Sida Loo Fuliyo Arrimah Danta Ku Ah!

0
106

Qiso xikmad ayaa lagu soo bandhigay,  dood iyo faan dhexmaray Dabaysha iyo Qorraxda. Iyadoo mid kasta awoodeeda ku faanaysa.

Dabayash ayaa ku tidhi anigu wiilka geedka hoos fadhiya ayaan xoogayga kaga saari kara jaakeedka uu xidhn yahay, adigu taasi ma samayn kartaa.

Cadceeda ayuu ku xidhay shardi ah inay arinkaasi samayso oo ay bilwoday, dabaysha ayaa si xoogle u guuxday oo dhinaca walba kaga timi wiilka, laakiin wiilkuna wuxu isku xejiyay jaakeedkiisa si aanay dabayshu uga saaraan oo u qaadin.  Marki ay ka furfuri weyday ayay ka tagtay iyadoon ku guulaysan xoogii ay isticmaashay.

 

Markii ay cadceeda soo gaadhay ayay tidhi “ anigu si fudud ayaan uga saari karaa “. Dabayshuna waxay ku tidhi bal same. Cadceedda ayaa fallaadhaha kulul ku gantay wiilka iyadoo qaylo iyo dhawaaq midna samayn Markaasi ayuu wiilku u adkaysan waayay kulaylka oo si iskii ah isaga saaray Jaakeedkii iyadoon cidina ku khasbin.

Waa sidaasi noloshu nidaam fudud ayaa hawsha aad rabto loo qabtaa iyadoo weliba qofka aad ka rabto dantiisa uu ka dhex arkayo arrinka aad ka doonayso, sida tusaalaha Cadceeda lagu metelay ee uu arkay wiilku inuu iska saaro jaakeedka inay tahay arrin isaga dan u ah oo aan lagu khasbin laakiin haddana fulinayay ujeedadii cadceedda isagoon is ogayn. Xikamaduna waa siyaasadu waa inaad fuliso ujeedkaga iyadoo kuwa aad ku  fulinaysaa ka dhex arkayaan dantooda.