Nin maalqabeen ah ayaa yidhi maanta shaqaalaha shirkadayda ka sheqeeya tiradoodu waa 130 shaqaale , raasamaalka aan ku shaqaystaana waxa uu gaadhayaa malyuun doller. Shirkadana waxaan ย bilaabay muddo 10 sanoย laga joogo.
Wakhtigaasi waxa shaqadii aan ka hayay iga eriday shirkadda magac weyn leh oo caan ah. maalintaasi oo aan aad u naxay una werweray. Haddii aanay iga caydhin shaqada wakhtigiaasi, ย maanta waxa laga yabaa inaan fadhiyi lahaa miisaska xafiisyada shirkaddaasi ballaadhan mid ka mid ah anigoo weli sabool mushahar ku nool ah.
Inaad arrin ku dhaqaaqdo oo aad ku fashilanto ayaa toban jeer ka wanaagsan in aanad waxba isku deyin oo aad iska fadhido. Maanta waxan ka mid ahay hantiilayaasha.