Ilaalinta Xogaha Diblomaasiyadda: Tiirka Guusha Madaxweynaha JSL oo Qarankiisa u Hiiliyay

0
122

Qore Daahir Cabdi Ciise

Dawladda casriga ah ee maanta jirta, gaar ahaan marka laga hadlayo dalalka halganka ugu jira xaqiijinta madax-bannaanidooda sida Somaliland, waxa tiir weyn u ah ilaalinta xogaha diblomaasiyadeed. Tani maaha arrin sahlan oo la iska indho tiri karo, balse waa halbeegga lagu cabbiro kartida madaxweyne kasta oo doonaya inuu dalkiisa gaadhsiiyo guul diblomaasiyadeed iyo sumcad caalami ah. Marka xogaha noocaas ah la daadiyo, waxa si toos ah loo dhaawacaa kartidaas, waxaana abuurma jawi uu cadowgu si fudud uga faaโ€™iidaysan karo.

Safarkii dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tegay waddamada Djibouti iyo Kenya, wuxuu ku furmay duruufo ka dhashay xog hor-dhac ah oo si dadban u fiday. Intii aanu safarkaasi dhicin, waxay soo shaacbaxday xog muujinaysa halka uu madaxweynuhu u socdo, cidda uu la kulmayo, iyo waxyaabaha kulamadu la xidhiidhaan. Taas beddelkeeda, hayโ€™ado iyo dawladaha kasoo horjeeda danaha Somaliland, gaar ahaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxay fursad u heleen inay si toos ah u galaan olole carqaladayn ah oo lagu beegsanayo socdaalka Madaxweynaha.

Haddana, si ka baxsan filashada cadowga, Madaxweyne Cirro wuxuu muujiyay adkaysi iyo xirfad diblomaasiyadeed oo sare. Wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay ballamo rasmi ah oo la yeeshay madaxda Kenya, isaga oo u suurtageliyay Somaliland inay sii joogteyso hawlgalka safaaradeeda Nairobi. Guushan, inkasta oo ay tahay mid muujinaysa bisaylka hoggaamineed ee Madaxweyne diploomsi ah, haddana waxay innoo sheegaysaa in ay muhiim tahay in dib loo eego nidaamka xog-ilaalinta xogaha safarrada Madaxweynaha iyo kuwa kale ee heer qaran.

Dalalka wax garanaya waxa lagu yaqaan inay haystaan habab sir-ilaalin adag. Tusaale ahaan, Itoobiya ma oggola in xogta safarrada Raโ€™iisul Wasaaraha ay bannaanka timaaddo ka hor inta aanu socdaalku dhammaan. Sidoo kale, Rwanda, oo ku caan baxday nidaamka dawladnimo adag, Madaxweynaha Kagame wuxuu si gaar ah ugu adkaystaa inaanay suurtagal ahayn in xogta la xidhiidh safar rasmi ah la shaaciyo illaa uu dhammaado. Dalalkaas waxay aaminsan yihiin in xog kasta oo laga siidaayo safarka madaxdu ay tahay albaab laga soo galo carqaladayn, weerar siyaasadeed ama fashil diblomaasiyadeed.

Haddaba, haddii aynu doonayno in Somaliland noqoto qaran si dhab ah u ilaaliya danihiisa, waa waajib in la yagleelo xeerar rasmi ah oo si cad u qeexaya sida loo maamulo xogaha madaxda sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha. Maaha in xogaha noocaas ah la geliyo baraha bulshada, looguna adeegto sumcad raadis, balse waa in loo hayaa hannaan kaliya oo ay maamusho hayโ€™ad rasmi ah oo ilaalisa qarsoodiga iyo amniga siyaasadeed ee dalka.

Marka xogta madaxweynaha la sii daayo, waxa laga lumo sumcaddii iyo kalsoonidii ay bulshadu iyo beesha caalamku ku qabeen hoggaanka dalka. Waxaa sii daciifa awoodda Somaliland ee ku wajahan beegsiga danaha dibadda iyo sii xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka caalamka. Waxaa halis gelaya guulihii diblomaasiyadeed ee la gaadhay iyo rajadii laga qabay inay Somaliland yeelato muuqaal ilaalinta xogaha dhaba.

Laakiin haddii la sugo xogaha safarrada Madaxweynaha, waxaa soo kordhaya kalsooni siyaasadeed oo gudaha ah, sumcad dibadeed oo adag, iyo awood uu dalku ku yeesho miiska siyaasadda gobolka iyo caalamkaba. Tani waxay kor u qaadaysaa aragtida beesha caalamka ee ah in Somaliland tahay qaran leh nidaam dawladeed oo sugan, oo mudan in lala macaamilo.

Madaxweyne Cirro wuxuu maray marxalad culus. Waxa uu hor kacayaa qaran aan wali helin aqoonsi buuxa, balse leh dad dulqaad iyo damiir qaranimo leh, dhul hodan ah iyo hiigsi sare. Si uu hiigsigaasi ugu guulaysto, waxaa laga doonayaa in uu helo taageero buuxda, si gaar ahna looga xoojiyo dhinacyada sir-ilaalinta iyo difaaca qaranka. Xukuumaddu waa inay si buuxda u ilaalisaa xogaha la xidhiidhka madaxweynaha, una muujisaa beesha caalamka in Somaliland tahay qaran bisil, si adag u maamula xogtiisa iyo siyaasaddiisa.

Diblomaasiyaddu maanta waxay u badan tahay sir-ilaalin iyo xog-maal, balse maaha sawirro kali ah.

Dal kasta oo xogtiisa la sugaa, wuu gaadhaa guul la taaban karo.

Madaxweyne kasta oo xogtiisa la ilaaliyo, guulihiisa lama carqaladayn karo.

Qaran xogtiisa la sugaa, waa qaran guushiisa sugan tahay. Madaxweyne xogtiisa la ilaaliyo, waa Madaxweyne dalkiisa u hiiliyey.

Daahir Cabdi Ciise.

Daahircamey@gmail.com