Wasakhawga caagagu waxa uu galaa gees kasta oo meertada nolosha ah xitaa jidhkeena oo ah qaab microplastics ah. Maalinta Deegaanka Adduunka ee sanadkan 2025-ka waxay ku baaqaysaa tallaabo wada jir ah oo wax lagaga qabanayo wasakhawga Caagga ah.
Maalinta caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka ayaa sanad kastaba waxaa si weyn dunida looga xusaa 6-da bisha June. Iyadoo la tix-raacayo dhiirigelinta dabeecadda iyo soo bandhigida xalalka dhabta ah ee adduunka, ololuhu wuxuu dhiiri-gelin doonaa shakhsiyaadka, ururada, wershadaha, iyo dawladaha si ay u qaataan dhaqamo waara oo horseeda isbeddel nidaamsan.
Xuska maalinta caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka ee sanadkan ayaa ku soo beegantay laba bilood ka hor inta aanay wadamadu mar kale kulmin si ay u sii wadaan wada xaajoodka heshiis caalami ah oo lagu soo af-jarayo wasakhawga caagga ah.
Bishii March ee 2022-kii, fadhigii shanaad ee Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEA-5.2), ayaa la ansixiyay qaraar taariikhi ah si loo horumariyo qalab caalami ah oo si sharci ah u qabanaya wasakhawga caagga ah, oo ay ku jiraan deegaanka badda.
Qaraarka (5/14) waxa uu ka codsaday Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEP) in uu isugu yeedho Guddiga Wada-xaajoodka ee Dawlad-goboleedka (INC) si loo horumariyo “qalabka,” kaas oo ah in lagu saleeyo hab dhammaystiran oo wax ka qabta wareegga nolosha ee balaastigga ah, oo ay ku jiraan wax-soo-saarkeeda, naqshadaynta, iyo tuurista.
INC waxay shaqadeeda bilawday qaybtii labaad ee 2022-kii, iyada oo hamiga lagu dhamaystirayo wada xaajoodka dhamaadkii sanadkii 2024-kii. Kalfadhigii ugu horeeyay ee INC (INC-1) ayaa ka dhacay Punta del Este, Uruguay, laga bilaabo 28 bishii November ilaa 2 December ee sanadkii 2022-kii, oo ay ku xigto fadhi labaad (INC-2) laga bilaabo 29 May ilaa 2 Paris Kalfadhiga saddexaad (INC-3) ayaa lagu calaamadeeyay badhtamihii geedi socodka 13 ilaa 19 Novambar ee sanadkii 2023-kii ee Nairobi, Kenya, waxaana ku xigay kal-fadhiga afaraad (INC-4) oo qabsoomay 23 ilaa 29 bishii April 2024 ee magaaladda Ottawa, dalka Canada.
Qaybta koowaad ee kal-fadhiga shanaad (INC-5.1) waxay ka dhacday 25 Noofambar ilaa 1 Decembar sanadkii 2024-kii ee Busan, Jamhuuriyadda Kuuriya. Qaybta labaad ee kal-fadhiga shanaad (INC-5.2) ayaa loo qorsheeyay inay qabsoonto 5 ilaa 14ka Augosto 2025 magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Mawduuca sanadkan 2025-ka ee waa (Soo af-jarida dikhawga caaga ah) maadaama balaastiigga caaga ah ay wasakheeyeen ku dhawaad dhinac kasta oo nolosha ah, markay dhex galaan biyahayada, cuntadeena, iyo jidhkeena. Maalinta Deegaanka Adduunka waxay ku biirtay wacyigelinta UNEP oo ay ku hogaaminayso hal-ku-dhega ah (BeatPlasticPollution) si loogu ururiyo bulshooyinka adduunka oo dhan si ay u qaataan oo ay u taageeraan xalalka saamaynta leh ee arrintani.
Hadaba, qormadeena todobaadkab ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga xusay sanadkani maalinta deegaanka adduunka, iyadoona munaasibado kala duwan lagu qabtay magaalooyinka dalka.
Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalintaasi oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, isla markaana ay soo agaasintay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradaasi C/laahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre), wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi, agaasimaha guud, iyo sidoo kale xubno ka socday haayadaha caalamiga ah ee wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka somaliland.
Wasiir Cabdillaahi Geel-jire oo daah-furay xafladaasi xuska maalinta deegaanka adduunka ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada xuska maalinta deegaanka adduunka, si loo xuso muhiimada ilaalinta deegaanka iyo dardargelinta wacyigalinta ku saabsan arimaha deegaanka sida wasakhaynta, isbedelka cimilada, dhir-beerista iyo sidoo kale ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.
Ujeedada xuska maalintan ayuu wasiirku ku tilmaamay in ay tahay kordhinta wacyigalinta ee ku aadan deegaanka, samaynta dadaalada lagu ilaalinayo deegaanka iyo xal u helida caqabadaha ay deegaanka ku keenaan isbedelka cimiladu.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Annagu isbedelka cimilada waanu ku soo noolaynba, waxaanu soo gaadhnay Hargaysa oo wada dhir iyo doog ah, waxaanu soo gaadhnay Hargaysa oo maalin walba marka ay labada gaadho Roobku helo, waxaanu soo gaadhnay Hargaysa oo aan lahayn qashin daadsan iyo baco farobadan oo aanay Qiiq iyo ciiro ku gedaamnayn, maantana waad arkaysaan abaarta iyo Roob la’aanta jirto”
Geesta kale wasiir Geel-jire, waxa uu faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii uu deegaankeenu waayadii hore caanak ku ahaa iyo sida ay wakhtiyadan danbe uga muuqato dhibaatada ka dhalatay isbedelka cimialdda. “Isbedelka Cimilada Waanu Kusoo Noolayn intayadan waaweyni, Waxaanu Soo gaadhnay Hargeysoo Wada dhir Iyo Dooga. Hargeysoo Maalin waliba Roobku helo. Hargeysa oo Bilaa Gudaafad Iyo Qashina. Maalinta Deegaanka Adduunka (World Environment Day) waa maalin caalami ah oo loo dabaaldego sanad walba. Waxaa la asaasay sanadkii 1972 intii lagu guda jiray Shirka Qaramada Midoobay ee deegaanka (United Nations Conference on the Human Environment) oo ka dhacay magaalada Stockholm, Sweden.
Aduunka sannad kasta waxa la qaataa halku-dhigg gaar ah, sanadkana waxa la qaatay Soo afjaridda dikhawga Caagga (Ending Plastic Pollution). Hal-ku-dhiggani wuxuu ina xasuusinayaa halista caagga iyo bacahu ku hayaan Deegaanka iyo noolaha kala duwan bad iyo berriba. Waxa aynu isugu nimid Waxa aynu ka qeyb Galaynaa Maalin Caalami ah oo Aduunka laga Xusayo, Sideena ayuunbuu aduunku ahaa Balse Goordanbe ayey Ogaadeen in wixii ay soo saarayeen Deegaankii Kharibay.
Waagii hore waxaa la isticmaali jiray waxyabahaa farshaxanka oo organic ah.Dhibatadda caaggu caafimaad ahaan ayuu halis u yahayWasaaradda Deegaanku waxa ay rajeyneysaa in dalkaa oo dhan u guntado ilaalinta Deegaanka
” ayuu yidhi wasiirka deegaanka somaliland C/laahi Geel jirre.
Waxa kaloo uu sheegay wasiirka deegaanka jamhuuriyadda somaliland C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire), in ay ka wasaarad ahaan xooga isugu gayn doonaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda ay keenaan ama ka dhalata Caaga qashinka ah ee aynu isticmaalno, isagoona u mahad anqay bahda gar-soorka qaranka oo sameeyay wacyi-gelin la xidhiidha sidii bulshadda loo fahamsiin lahaa xeerarka iyo shuruucda qabanaya qofka waxyeelo u gaysta dhirta.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in aynu xoogeena isugu gayno, sidii looga takhalusi lahaa qashinka caaga ka samaysan ee aynu isticmaalno. Inkastoo uu xuska sanadkani ku kooban yahay ka ahdalka waxyaabha caaga ka samaysan, hadana marka aad eegto deegaankeenu dhamaantiiba wuu bur-bursan yahay, oo dhirteenii ayay ka muuqataa sidaynu u baabiinay.
Mar Xaabo ahaan ayaynu u shidaynaa oo waxaynu leenahay dan baa nagu kaliftay, taasoo dhibaato ku ah dhirteena. Waxaana la inooga baahan yahay in ay yarayno isticmaalka dhirta aynu shidayno.
Waxaan u mahad naqayaa bahda gar-soorka oo noo samaysay dad ku wacyi-gashan ilaalinta deegaanka gaar ahaana dhirta. Kuwaasoo fahamsiiyay bulshadda in dhibaatadda ka dhalanaysa marka la soo taago maxkamadaha qof jabiyay xeerka dhirta ama deegaanka.
Wasaarad ahaan anagu waxaanu balan qaadaynaa in aanaan joojin doonin dedaalka aanu ugu jirno wax ka qabashadda dhibaatadda soo waajahday deegaanka, in aanu xeerarka deegaanka hagaajin doono, in aanu sii kordhin doono waxyaabaha danta deegaanku jirta, iyo bulshadaba. Mustaqbalkii caruurteena ayay qaar inaga mid ah gubayaan, oo ay ku qayilayaan. Taana wax baanu ka qaban doonaa”.