Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan)- Xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI ayaa shalay soo dhaweeyay guddidii fulinta ee Xisbigii UCID ee ku hadhay tartankii doorashadii dalka ka qabsoontay 13-kii Nofember ee sannadkii 2024, kuwaasi oo shalay si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayeen guddoomiye ku-xigeenada xisbiga ayaa xarunta dhexe ee xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyay inta badan mas’uuliyiintii xisbigii UCID oo shaaciyay in ay si rasmi ah ugu soo biireen xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal ka jeediyay munaasibadaas ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga ay ka mid noqon doonaan xubnahan ku soo biiray. Waxaana uu yidhi “Waan idin soo dhawaynaynaa, waynu wada tashan doonaa, wadahadalkii mudadada aynu soo wadnay maanta ayuu soo idlaaday oo aynu ku midawno xisbiga WADDANI, wixii dambena waynu isla eegi doonaa.
xisbiga ayaad ka mid tihiin, kuna qaloon maysaan. qof kastana dadaalkiisa ayay ku xidhan tahay iyo kaalinta uu ka soo baxo, xukuumadda ayaynu barbar istaagaynaa. markii hore weerar ayaynu ahayn oo kursiga ayaynu dhacsanaynay, imikana difaac ayaynu nahay”.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Duulista iyo hawada Mudane Yuusuf Kayse oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Talada ah in xisbigii UCID masuuliyiintiisii ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaa taladeeda lahaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo nagu yidhi halkaas taga”
Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsanaa Xisbigii UCID ee ku soo biiray xisbiga WADDANI ayaa uga mahad-naqay hoggaanka xisbiga WADDANI, soo dhawaynta loo sameeyay, waxaanay tilmaameen in ay ku faraxsan in ay ku soo biiraan Xisbiga.






















