Saxaabiga Abuu Hureyra (Rc) wuxu Rasuulka Allah (scw) ka weriyay inu yidhi โ Qofkii ka fayda (ka dulqaada) qof mu’min ah kurbo (dhibaato) ka mid ah kurbada (dhibaatooyinka) dunida, isagana Allah (sw) wuxu ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamaha,
Qofkii xoolo u gooya qof sabool ah, isagana Ilaahay baa xoolo ugooya ifka iyo aakhiraba, Qofkii u xil qariya qof muslim ah, isagana Allaah (sw) ayaa ceebihiisa qariya (astura) if iyo aakhiraba,
Qofkii jid mara isagoo cilmi doonaya llaahay baa u fududeeya Jidka Jannada loo maro. Allah (sw) wuu u gargaaraa adoomadiisa inta qofku u gargaarayo walaalahiis.
Haddii ay kooxi (Jamaaco) ku kulanto guri ka mid ah guryaha Ilaahay iyagoo akhrisanaya Qur’aanka oo is-baraya, waxaa ku soo degeya xasilloonaan,waxaa daboolaysa naxariis Ilaahay, malaa’iktuna way la safanaysaa, llaahayna (sw) wuxuu ku xusayaa khalqiga agtiisa jooga. Qofkii camalkiisu reebo nasabkiisu meel marin maayo.ย ย ย ย (Waxa weriyay Muslim)