Waa maxay Istaraatijiyad ama Qorshe?

0
107

Qorshaha wanaagsan ayaa keena dhaqaale ummada u saamaxa horumar, ,Qorshe ama helin tusid, waa ta ugu muhiimsan ee lagu gartaa hanaanka Dawladnimo, istratijiyad waxaa si guud loogu qeexi karaa “Farshaxanka iyo jidka” si loo caddeeyo (Marinka ugu dhibaato yar) ee la raaco muddo gaaban ama muddo dheer, iyadoo laga duulaayo bay’ada la joogo iyo caqabadaha ku hareeraysan (Faa’iidada iyo qasaaraha, awooda iyo tammar li’da) laga heli karayo guddaha waddanka, iyadoo ujeedaddu tahay abuurida haddaf iyo han waara oo ummada u saamaxa ku noolaansho nolol tayo leh.

Qorshaha ama dariiqadda wanaagsan waa inaanu noqonin faa’iido kaliya ah, laakiin noqotaa dhiirigelin u saamaxda shuruudaha guusha ama u jihaynta dhanka wanaagsan. Waa maxay istraatijiyadu (Qorshe ama marrin) Istraatijiyadu waa ficilo kala duwan oo lagu gaadho danno, maamul bulsho sida mashruuc Dawladnimo, Bangiga Dhexe iyo Dawlada hoose, kuwaas oo hoos imanaya Dawlad dhameystiran oo abuuri karta, illo Dhaqaale si loo gaadho himilooyin cad-cad oo ku dhidban kobcin Dhaqaale iyo Abuurid ififiyaal Dhaqaale oo mug leh, taa soo ku tiirsan yool ama halbeeg la suntaday.

Istraatijiyadu ama Qorshuhu waa inay noqotaa marrin Dhaqaale ama Horumar, Waxbarasho iyo Dhaqan, yoolka kowaad ee Istraatijiyada Ummadda Somamiland waa adkeynta sharciga iyo ku dhaqanka xeerarka Qaran. iyadoo aynu hal hays u leenahay “Ninku iyo naagtu colna maaha Nabadna maaha” Qoysku waa bilawga Abuurida Qabiilka iyo Qaranka, Kolkaa ma kula tahay Reer cusub oo dhismaya inay ku dhego barjoobaan ama ku qaboobayaan erey bixintaa ku lid ah jiritaanka Qoyska iyo Bulshaddaba, dhanka kale labo jufo oo isku Qabiil ah inay iska dilaan 30 soddomeeyo rag ah, waa aafo u baahan in loo helo Istraatiyad cad oo lagu nabadeeyo oo noqota mid waarta, waxaa badanaaba soo laablaabta labo reer oo isku xasuuqa ama ha isku qabsada dhul beereed ama ceel biyood, waa in tuulo-tuulo loo nabadeeyaa oo ay dadku is dhex degi karayaan, wada noolaan karayaan, taasina waa masuuliyad saaran hoggaanka sare, haddii aan sidaa loogu babac dhigin dhabta waxay noqonaysaa colaad jiitanta cid walba oo nabadaynta waddanka ama heshiisiinta labo jufo ka qeyb qaadatana waxaa hubaal ah inay liibaanayso Adduun iyo Akhiraba. Waayo waxaan gunta ama salka laga unkin, udub dhexaad Nololeed Mayeeshaan. Haddii aanan laga dhigin Istraajiyada kowaad ee wada nolaashaha Dadka iyo is-Dhexgalka Dadka iyo Maalka, waa horumarinta kowaad ee Nolosha Bulshadda iyo kala Horumarinta baahiyaadka daruuriga, iyadoo ujeedaddu tahay helitaanka baahiyaha daruuriga, cidhibtirka fakhriga, la dagaalanka aqoon la’aanta iyo jahliga, in Hoggamiyuhu fikirkiisu ku salaysan yahay ka warqabka halka ay Somaliland  kaga taal Dunida inuu aqoonsan yahay awooda, isagoo is barbar dhigiya awooda waddankiisa iyo tammar yaridiisa, dhanka kale ururinta saaxiibada dhabta ee Somaliland si loo kala saaro saaxiib iyo kaan saaxiibka ahayn, xidhiidh toos ahna u la samayso dadka ka soo jeeda Somaliland, ee ku nool waddamada jaarka ah iyo kuwa qurba-joogta ah, iyadoon xusuusiniyo inaysan marnaba Soomaalilaan ka guulaysateen kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, haddaysan caawimaad buuxda ka helin dadka ka soo jeeda Soomaalilaan, oo wakhtigaa ku noolaa dibadda oo muruq iyo maalba galiyay, fikirkii xaq u dirirka iyo sidii  ay isaga rideen dawaladdii kaligii taliska Siyaad Bare.

Sida Dadka deggan Ingriiska, Sacuudi Carabiya, Jabuuti, Itoobiya iyo waddamo badan oo kale, ay ku noolaayeen dadkeeda. Talyaannigaa ku maahmaaha (Propogande e mezzo de guera). Taas macnaheedu yahay “Bootadda ama dacaayadu waa dagaalka badhkii” Dawladu si ay awoodeeda u fidiso waa in dadka deegaan ahaan ka soo jeeda  Soomaaliland sannadkiiba mar u fidisaa casuumaad, si ay ugu yeelato awood la taaban karo ama farro-galin toos ah, oo ay ku gujin karayso cadawgeedda iyo wixii la hal maal ah. Taasina waa inay noqotaa Qorshayaasha dawliga ee Qaranku leeyahay, iyadoo loo sii dhex maraayo waddamada dadkaasi ay kasoo jeedaan, si ay cid waliba uga heybaysato, sida jaarka iyo kuwaan jaarka ahayn ee Shisheeye, waata la yidhaa:  “Gudineey imaad gooyseen hadaan badhkey kugu jirin” Dhanka kale, waa inay haysataa dad xog-ogaal ah, ama lobby u ololeeya Somaliland , uguna soo warama go’aamada dhabta ah ee ku lidka Somaliland, si ay u gaadhaan haddafkooda, kulana tartamaan waddamada kale ee kasoo horjeeda horumarka iyo jiritaanka asaasiga ee Dalka iyo Dadka.

In Soomaalilaan samaysto saaxiib soke, oo ay ka dhex samaystaan ururadda caalamiga sida midowga Afrika, midowaga Yurub iyo Qarramadda Midoobay.                       Kolayba ururadaasi waxay waraabe u taag uga dhigi doonaan, wada haddalka labada waddan Soomaalilaan iyo Soomaaliya, Soomaalilaan iyadoo dedaalna iyo juhdi dheer galinaysa, inay toos u la xidhiidho quwadaha adduunka qaarkood, kuwa damaca kaga jiro deegaanka Soomaalilaan waa ta la yidhaahdo:“Buur noqo ama buur ku tiirsannow”. Iyagoo ka faa’iideysanaysa wakhtiga kala-guurka ee dunidu ku jirto, soona ururinaysa dadka saaxiibada ee ka shaqeeya hay’adaha caalamiga, iyadoo si gooni ah uga dhaadhicinaysa fikradadeeda iyo hankeeda, kana dhageysanaya waxay kula taliyaan, kana faa’idaysanaysa khibradihii dadkii ka taliyay kala furdaaminta Suudaan iyo Suudaanta koonfureed.

In kastooy labadaa waddan u galeen dagaal dheer oo dad iyo duunyaba lagu waayay, waddamada la mid ah Soomaalilaan iyo Soomaaliya waxaa la yidhaa: “Higaad la’aan, af lama barto”.  Haddii aanan marrin ama daw sax ah loo marrin ama lagayeelan ujeeddo sax ah oo cad meelna ku xardhan, aqoonsi raadiska Soomaalilaan iyo kala furdaaminta labadda waddan Soomaalilaan iyo Soomaaliya, dad badan waxay u la muuqanaysaa “I jiid aan ku jiidee waa gacma daalis”. Cidna dani ugu ma jirto  is hor joogsi ama is hortaaga loo turjuman karayo heestii Ilaahay ha u naxariistee abwaankii Sangub  “Aan kuu taliyo ii talin meysid, aynu kala tashano kala tashan mayno”  waxaana haboon in caqligu, wax taraa oo uu wax bad-baadiyaa, in labadda waddan ay helaan xal waara si mustaqbalka dhallinyarrada loogu tudho. Waxaa aalaaba la yidhaa ka hadalka qofka maqan waa daciifnimada qofka ka hadlaay, Somaliland inay danaheeda ka hadasho waa daw iyo dan oo ay xaga hore soo dhigto xal u helida mustaqbalka dhallinteeda oo marmarka qaarkood ay ku hanjebtaa inay ku sii deyn doonto baddaha sida burcad badeeda iyo tahriibka oo ay yurubta hafin doonaan, Soomaalilanad waa inay iibisaa fikir cabsi galin ah oo ay dhegaha wadamada barwaaqo sooranka ku shubeyso imiseynu dhallinteena hortaagnaan kareynaa? Ilaeyn sida kuwiina mustaqbal ugu baahan yihiin bay iyaguba ugu han weyn yihiin mustaqbal barwaaqo iyo badhaadhe iyagoo ku dhex nool dalkooda. Laakiin marnaba aan xaaladan cakirin lagu sii jiri karayn, waxaan qabaa inay Soomaalilaan Shacabkeeda ka tashaddaan Aayahooda, iyadoon cid kale lahayn go’aanka, uu yahay go’aan shacab. Waxaa uu wakhti badan ku socdaa, dhallinta dooneysa mustaqbal,  iyo in xal waara loo helo shacabka Soomaalilaan. Waxaa hubaal ah oo aan hadal ka taagneyn inaan lagu sii noolaan kareyn xaaladdan gurucan ee aan horumarka iyo hiigsiga lahayn iyo halbeeg aan hanaqaad lahayn toona, waa lagu noolaan karayaa duruuf kasta oo adag hadii ay jirto rejo ama riyo meel ku xardhan ama qorshe qaran. Dantu qaranku waa dan guud oo aan u baahneyn saaxiibtinimo gaar ah iyo cadowtinimo toona. Dawladani malaha saaxiib gaar ah, ee Dawlad walba waxay leedahay danno gaar ah.

Qorsha ugu horeeya ee qarani yeesho waa mid Dhaqaale iyo mid Aqooneed iyadoo taa laga duulaayo ayaa muhiim ah, in la kala hormariyo baahida siday u kala horayso, kadibna laysugu dubaridu danaha guud oo korna loo qaado Aqoonta iyo Wacyi galinta shacabka.

Qoraa Yaasiin Daahir Cumar