Madaxweyne Ku-xigeenka oo Furay Shirka Xoojinta iyo Isku-duwidda Hawlaha Gargaarka Aadamaha

0
211

 

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa shalay magaaladda Hargeysa ka daah-furay shirka isku-dubba-ridka iyo xoojinta arrimaha Bini’aadantinimada iyo sidii looga tashan lahaa waxa laga yeelayo hoos-u-dhaca ku yimid deeqaha ay Hay’adduhu siiyaan Qaxooniga iyo Barakacayasha ku sugan Somaliland.

Kullanka oo ay soo qabanqaabisey Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada, ayaa ugu horeyn waxa sharaaxad iyo faah-faahiyey ka bixiyay ujeedka kullanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mukhtaar Cabdi Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Xaliimo Cilmi oo ku hadlaysay afka Hay’addaha samo-falka ee shirkaasi ka soo qayb-galay.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub iyo Maxmed Jaamac Koodbuur oo ka tirsan Gollaha Wakiilada Somaliland, waxaaney Wasaaradda ku bogaadiyeen iney shirkan qabato wakhtigii ku haboonaa.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada, Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, waxaana hoosta ka xaqiiqey najiitada ay doonayaan iney shirkan kasoo baxaaan.

Gaba-gaabadii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Amb. Mohamed Cali Aw Cabdi, ayaa tilmaamey iney waajib tahay in Dawladda Somaliland iyo shacabka ba ay waajib ku tahay in la gacan siiyo dadka nugul ee Qaxoontiga ah iyo Barakacayasha ku sugan Somaliland..