Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Waaxda Kastamadda ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen ayaa shalay ku soo dhoweyey dalka Wefdi ka socda Baanka Aduunka oo hawlo shaqo u yimi.
khubaradan ka socota Bangiga Aduunka, waxay qayb ka yihiin hirgalinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda gaar ahaan casriyeynta iyo fududaynta adeeg-bixinta Kastamada Dalka.
Muddada ay dalka joogaan ayey kulamo la qaadan doonaan madaxda-sare ee Wasaaradda iyaga oo booqan doona qaar ka mid ah Kastamada.
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli masuuliyiinta Wasaaradda maaliyaddu dedaalo dheeraad ah ugu jira horumarinta iyo casriyeynta nidaamka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dawladda.






















