Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka JSL, mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa lugooyada iyo waxtar la’aanta moobilada uga digey ardayda fasalada afraad ee dugsiga sarre iyo sideedaad ee dugsiga dhexe.
Waxaanu ku dardaaray inay ka fogaadaan qishka dhaayaha iyo ka moobilkaba, si ay ardaydu u noqdaan kuwo aqoontii lagu barbaariyey si kalsoonile ugu fadhiista imtixaanka adeegsadana tacliintooda kagana gudba fasalka ay ka baxayaan.
Guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka JSL, ayaa fariintan ardayda u direy xilli ardaydu u diyaargaroobayaan inay u fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4-aad iyo 8-aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka.
Waxaanu yidhi.”Waan idiinka digayaa moobilka inaad isku hallayso,haddii kale dhibaato ayaad kala kulmeysaa, waayo moobilku waa mashquuliyaha ardayga”.