Kulan lagu Lafo-gurayay Maaraynta Khataraha oo lagu Qabtay Boorama

0
85

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Boorama (Dawan) Hay’adda VGN oo kaashanaysa ururka Dawladaha hoose ee ALGASAL ayaa magalada Boorama shalay ku qabatay kulan lagu soo bandhigaayay khataraha ka jira Magalada Boorama iyadoo ujeedada kulanku hayd mid lagu lafa gurayey khataraha dabiiciga ah iyo kuwo ka yimaad dhanka bulshada ee ku gadaaman magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose ee Boorama gaar ahaan waaxda arimaha bulshada, gudiyo ka socday degmooyinka magaalada Boorama, Hay’adda VNG oo kaashanaysa ururka dawlaha hoose ee ALGASAL iyo maayer ka dawlada hoose ee magaalada Boorama.

Maayerka dawlada hoose ee degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim oo kulan kan ka hadlay ayaa sheegay in shaqada ugu horaysa ee dawladnimadu ay tahay badbaadada nafta iyo ilaalinta shacabka, waxa kale oo uu sheegay in ay samaynayaan meelo u gaar ah gaadiid ka loo yaqaan Bajaajta oo ah gaadiidka ugu badan ee shacabka magaalada Boorama adeegsadaan ku waasi oo Sameeya khataro aad u badan dhanka Kalena ah gaadiid ay dhalinyaro badani ka heshay shaqo abuur.

Maayer ka dawlada hoose ee degmada Boorama ayaa waxa uu yidhi”Dawladnimadu shaqada koowaad ee ay qabataa waa in ay nafta bani,aadamka badbaadiso,dadka inta badan waxa laayaa waa gaadiid waxan samayn doonaa meelo u gaar ah, gaadiidka yar yar ee bajaajta loo yaqaan ayaa ah khatarta ugu badan ee haysata bulshada sidoo Kalena faa’iida u leh, meelbaan u samayn doonaa meelaha qaarna mamnuuc ayey ka haan doonaan oo mari maayaan”.

Wakiilka guud ee Hay’adda VNG Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey ansixinta xog ururin ah oo ay samaysay VGN oo kaashanaysa ururka dawlaha hoose ee Somaliland ayaa waxa uu sheegay in daraasadoodu xooga saaraysay laba khatarood oo kala ah mid Dabiici ah iyo sidoo kale mid ka timaad dhinaca bulshda waxanu yidhi.

’’waxaynu u fadhinaa ansixinta khataraha degmada waajahayso ama ka dhaca, khatarahaasi oo u badan mid xaga Alle ka timaad iyo mid bini,aadam sameeyey sidii laysugu xidhi lahaa doorka degmada iyo bulshadu ka qaadanayso, waxan raynayaa qodobada ka soo baxay hanaanka loomarayn doonaba ay qayb wayn ka qaadan doonto dawlada hoose ee degmada Boorama, annaga oo ah VGN na waxan diyaar u nahay in aan dawlada hoose ee Boorama kala shaqayno tabaraba ku aadan arintan”.