Hogaamiyihii hore ee Hindiya Jawaharlal Nehru ayaa qiray wanaaga islaamka isagoo qoray maqaaladan:
“Muxamed wuxu baabiiyay dhaqano iyo caadooyin xun oo jiray wakhtigii usoo baxay, dadkiina wuu walaaleeyay oo simay. Isagoo tusay dalalkii jaarka la ahaa oo dulmi iyo xadgudub kala kulmay boqortooyinkii iyo wadadii kiristaanka ee keligood talinayay. Waxay dadku ku daaleen nidaamkaasi gaboobay waxayna raaceen islaamka maxaa yeelay wuxu hagaajiyay arimahooda, wuxuuna ka dul qaaday cadaadiskii iyo dulmigii”
Caalimka Maykal Haret ee Maraykanka ah ayaa isna yidhi : “ Muxumed (Rasuulka scw) wuxu noqday kan ugu horeeya liiska raga taarikhda ugu muhiimsan, waxaan aaminsan hay in Muxamed yahay ninka keliya ee ku guulaystay hogaamiye diineed iyo mid dawladeed, taarikhda ”