Deegaan ayay caado u ahayd in boqor kastaa uu xukunka hayo muddo 12 bilood oo keliya. Marka ay mudadaasi dhamaatana waxa uu wareejinayaa xukuna iyadoo loo qaadayo boqorka la bedelay jasiirad badeed cidla ah oo biyo iyo baad toona aan lahayn si uu halkaasi ugu dhinto, waxaana ay uga jeedaan si aanu uga hor iman, mucaaridna ugu noqon boqorka cusub.
Mudda markii ay arintu sidaasi ahayd, qof kasta oo deegaanka ahi waxa uu aad u necebaystay inuu doonto jagada boqorka mar haddii muddo ka dib uu ku dhimanayo jasiiradda cidlada ah.
Markii boqorkii talada hayay la shaaciyay in wakhtigii ka dhamaaday oo la qaadayo waxa la saaray Maroodi waxaana lagu soo wareejiyay magaalada isagoo murugo badan ka muuqato, si uu bulshada u maca salaameeyo. Ka dibna doonidii ayaa la saaray si kooxdii qaadi jirtay ay u geeyeen Jasiiradii Boqorada lagaga iman jiray, marka boqorka cusubi bulshada ka soo dhex baxo.
Laakiin muddo ka dib waxa dhacay arrin yaab leh, waxaa ay ahayd in si kasta oo la baafiyay qofka boqornimo doonaya ay waayeen qof jagadaa soo codsada. Markii danbe wiil dhalin yaro ah ayaa isagu codsaday in laga dhigo. Aad ayaa loogu farxay inkasta oo ehelkiisu ay aad uga xumaadeen, go’aanka geerida ah ee uu qaatay.
Markii la magacaabay ee uu noqday boqorka, waxa uu markiiba bilaabay inuu xuuraamo jasiirada boqorada la geeyo, isla markaana baadho xalka ugu fiican ee mushkuladda dawada u noqon karta, kuna badbaadi karo marka la keeno 12 bilood ka dib.
Waxa ay kooxdii uu diray u sheegeen in ay goobtu tahay meel cidla ah oo bahalo galeen ah, Ka dibna waxa uu qortay shaqaale awood badan, oo kolba qaar uu hoos u geeyo Jasiiradda. Waxa uu la heshiiyay kooxdii doonida ee sanadka oo dhan aan shaqo kale qaban jirin, boqorka ay qaadaan mooyaane. Waxaana uu u qoray mushahar joogto ah.
Kooxdii awoodda iyo xoogga lahayd waxa ay Jasiiradii ka gureen geedihii, iyo lafihii boqoradii hore. Waxaana ay ka sameeyeen beero, iyaguna way iska degeen iyaga oo beerahaa iyo nimacda iskaga dhex jiray.
Markii 12 bilood dhamaadeen ayaa la icilaamiyay in wakhitigii boqorka ka dhaamaday oo la geyn doono jaasiiradii berina lagu soo wareejin doono magaalada.
Markii boqorka la saaray maroodigii kama ay muuqan murugo sidii kuwii ka horeeyay waxaana uu ahaa mid qoslayay, dadkii ayaa la yaabay markii la weydiiyayna waxa uu ku jawaabay: “ Anigu waan qorsheeyay halka aan noloshayda ku dhamaaynayso”. Xikumaduna waa dhibaato kasta waxa lagaga baxaa caqliga oo abuura qorshaha xalka wanaagsan ee budhiga u ah badbaadada.