Xikmadaha

0
121
  • Geedka waxaa lagu qiimeeyaa midhaha ama hadhkiisa, dadkana waxaa lagu qiimeeyaa ficilada ay sameeyaan. Camalka wanaagsan marna ma khasaaro.
  • Qofka samaysta Akhlaaq iyo hab dhaqan wanaagsan wuxuu goostaa midhaha xushmada iyo jacaylka dadka iyo ixtiraamkooda
  • Iska jir cadhada keligaa ayay dhaawacaysaa. Maxaad u cadhoon ? Hadii aad saxan tahay looma baahna in aad cadhooto, hadii aad khaldan tahay xaqba uma lihid in aad xanaaqdo
  • Khaladka ugu weyn ee dadku sameeyo waa: waxay dhageystaan kala badh, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen .
  • Caqabaduhu kuma joojin karaan, Dhibaatada kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keligaa ayaa naftaada joojin kara oo ma gudbe ka dhigi kara.

Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay muujiyaan wixi kaa khaldan, sababtoo ah ma xamili karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad samayso