Qore: C/wahaab Daahir Xasan
Magaalo-cad (Dawan)- Guddoomiyaha Degmada Magaalo-cad Xaamud Cismaan Qawdhan Cali ayaa wargeyska Dawan u xaqiijiyay in ay gubteen 50 guri iyo calafkii xoolaha, kadib markii dab ballaadhani halakeeyay deegaannada Goroyo-cawl iyo Tuulooyinka hoos yimaada degmada Magaalo-cad, sida Walaal-goo, Tuli, Dacawalay iyo Duudwayne.
Guddoomiye Xaamud ayaa sheegay in masiibadas dabkani ay ka bilaabantay deegaanka Gorayo-cawl oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Dilla ee goboka Awdasl. Kaas oo si degdeg ah ugu fiday deegaanno dhowr ah oo hoos yimaadda degmada Magaalo-Cad, sida Walaal-goo, Tuli, Dacawalay iyo Duudwayne. Waxaanu tilmaamay in dadka deegaanku ay arrintaasi aad uga argagaxeen, isla markaana ay ka tageen doogaankaas si ay naftooda u badbaadiyaan.
Guddoomiye Xaamud oo waraysi gaar ah khadka telefoonka ku siiyay wargeyska Dawan ayaa ka xogwaramay khasaaraha uu sababay dabkan oo ah mid soo noqnoqday, waxaanu yidhi “Ilaa hadda, waxa si rasmi ah u gubtay 50 guri, kuwaas oo badankoodu ahaayeen aqal Soomaaliyo iyo sagarooyin caleenti ku kaydsanayd oo loogu talagalay calafka xoolaha. Dadkii deegaanka waxa ka baaba’ay wixii ay ku noolaayeen, guryihii, calafkii, iyo xoolihii qaar. Nasiib wanaag, wali ma jirto wax dhimasho ama dhaawac nafeed ah oo la xaqiijiyey.”
Guddoomiyaha degmasda Magaallo Cad waxa kale oo uu sheegay in dabkani oo ah mid aaf u faafaya ay dadka deegaanku xakamayn kari-waayeen maadaama oo aanay haysan biyo ku filan, waxaanu yidhi “Waqtigan roob ma da’in, biyana lama hayo. Markaa, marka uu dab kaco, laguma bakhtiin karo biyo, sidaas darteed waxa loo adeegsadaa ciidda dhulka, si loogu xakameeyo. Laakiin dabkani waa mid aan caadi ahayn. Waxaad arkaysaa ilaa shan guri oo meelo kala fog ku yaalla oo hal mar dab ka kacay. Taasi waxay adkaynaysaa sidii loola tacaali lahaa.
Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay baahiyaha asaasiga ah ee deegaankaasi ka taagan, maadaama oo ay in ka badan 50 qoys ay ku guryo beeleen masiibaddas dabkaasi, isla markaana uu ka baabiiyay calafkii xoolaha la siinayay, waxaanu yidhi “Baahiyaha ugu weyn ee hadda ka jira degaanka waxa ugu badani waa hay la’aan maadaama oo ay dad badani ku guryo beeleen dabkaas iyo calafkii xoolaha la siinayay oo isaguna gubtay. Dadkan waxa ay ku sugan yihiin xaalad adag. Ma haystaan guryo ay u hoydaan, wax ay xoolaha siiyaan, ama biyo ay cabaan. Dhibaatada dabka waxa sii dheer abaar baahsan oo deegaanka ka jirta. Dadka iyo xooluhu labadabu way dayacanyihiin oo waa bannaan yaal, wax kale oo ay ku tiirsan yihiinna ma jiraan.”
Guddoomiyaha Magaalo Cad waxa uu baaq u diray xukuumaddas Jamhuuriyadda Somalialnd, ganacsatada iyo hay’adaha samo-falka, waxaanu yidhi “Waxaan si degdeg ah ugu baaqayaa xukuumadda, ganacsatada, hay’adaha samafalka, iyo cid kasta oo wax taraysa in ay soo gaadhaan dadkaas. Waa masiibo bani’aadamnimo, waxayna u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Waxaan rajaynayaa in la helo taageero lagu dhiso guryaha gubtay iyo raashiin/xoolo cunto loogu beddelo calafkii baaba’ay.
Ugu dambayntii guddoomiyaha degmada Magaalo Cad waxa uu tilmaamay in haddii aan degdeg wax looga qaban arrintani ay noqon karto masiibo bini-aadannimo, waxaanu yidhi “Haddii aan wax laga qaban xaaladdan, dhibaato bani’aadamnimo oo ballaadhan ayaa ka dhalan doonta. Dadkani durba way u nugul yihiin abaarta, hadda waxa u dheer dab iyo hoy la’aan. Haddii aan la helin gurmad degdeg ah, waxay xaaladdu noqon kartaa mid aan la xakamayn Karin, markaa waxaan xukuumadda, ganacsatada iyo dhammaan ummadda Muslimiinta ah aan ka codsanayaa in ay u soo gurmadaan walaalahooda dhibaataysan.”
Sababta dhalisay masiibada dabkan waxyeellada ballaadhan u gaadhsiiyay deegaannada hoos yimaadda degmadda Magaalo Cad, sida Walaal-goo, Tuli, Dacawalay iyo Duudwayne iyo deegaannada Goraya-cawl ayaa ah mid aan illaa hadda wax xog ah laga haynin, waxaanay dadka deegaanu sheegeen in ay ku warhelayaan guryo gubanaya ama calafkii xoolaha oo ololaya, balse aanay garanayn waxa dabkani ka dhalanayo