Dalka Kenya ayaa waxaa dhawaanahan ka socday mowjado cadaadis ah oo hoos u dhigaya sumcaddii ay ku lahayd dimuqraadiyadda Bariga Afrika.
Dadka dhaleeceeya waxay ka baqayaan in ay ku sii simbiriirto wadadii ay mareen deriskeeda – Uganda iyo Tanzania, oo labaduba caan ku ah in ay iska caabiyaan mucaaradka.
Sharciyada Kenya waxaa si weyn loogu tixgaliyaa inay yihiin kuwo horumarsan – gaar ahaan ilaalinta xoriyaadka aasaasiga ah sida xaqa mudaaharaadyada.
Laakiin hadda waxaa sii kordhaya cabudhinta lagu hayo mudaaharaadyada – tusaalihii ugu dambeeyay ayaa ah dilka ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay dibad baxyo ka dhacay dalka oo dhan oo looga soo horjeeday dowladda madaxweyne William Ruto iyada oo isku dayday in ay mamnuucdo TV-ga iyo raadiyaha tooska ah ee dibadbaxyada.
“Nidaamka Rogue” – ayaa ku dhawaaqay ciwaanka wargeyska Standard-ka ee Kenya isaga oo tilmaamay in dhalinyarada ay buux dhaafiyeen waddooyinka iyaga oo xusaya kuwii la toogtay sanad ka hor banaanbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeeday canshuurta, laakiin “halkii ay dhegaysan lahayeen waxay la kulmeen Ulo, gawaadhida gaashaaman iyo biyaha sida madaafiicda u dhaca oo lagu kala eryey”.
Laakiin sida uu qabo wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen, booliisku waxay muujiyeen “is xakameyn cajiib ah” waxay fashiliyeen “isku daygii afgambi”.
“Waxaan cambaareyneynaa fal-dambiyeedka qaswadayaasha ah ee magaca mudaaharaad nabadeed ku furtay mowjado rabshado, dhac, faraxumeyn iyo burbur ku ah dadkeenna,” ayuu yidhi, isaga oo ku eedeeyay dibadbaxayaasha inay weerareen saldhigyada booliiska ayna dhaawacmeen 300 oo askari.
Si kastaba ha ahaatee, Ururka Qareenada ee Kenya (LSK) ayaa dhaleeceeyay booliiska sida ay u maareeyeen mudaaharaadka.
“Gardarrada aan loo baahnayn iyo xoogga arxan-darrada ah ee ku dhammaaday khasaaraha nafeed ee macno-darrada ah iyo burburinta hanta, meelna kuma laha bulsho dimoqraadi ah oo xor ah,” ayaa lagu yidhi.
Muharaadyadu waxay yimaadeen toddobaadyo uun ka dib markii Albert Ojwang oo 31 jir ahaa oo wax ku qori jiray Internet, macallin ah, uu ku dhintay xabsiga booliska . Waxaa la xidhay ka dib markii lagu eedeeyay inuu sumcad dil u geystay sarkaal sare oo bilays ah – wuxuuna ku dhintay xabsiga dhaawacyadii weerarka, baadhitaan lagu sameeyey meydka ayaa laga helay.
Dhimashadiisa ayaa kicisay mudaaharaad yar oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Nairobi, kaas oo ay booliisku toogteen nin waddada ku ganacsan jiray, wuxuu ku jiraa cusbitaalka.
Faallooyinkeeda ayaa si weyn diiradda u saaray xaqiiqda ah in Kenya ay halis ugu jirto inay lumiso maqaamkeeda dimoqraadiyad taas oo ay dad badan oo Tansaaniya iyo Ugaandha ahi ka masayri jireen.
Dalalka Uganda iyo Tanzania waxay caan ku yihiin cabudhinta mucaaradka, siiba Uganda oo ay xabsigeeda ku jiraa laba xubnood oo waaweyn.
Dhaqdhaqaaqayaasha iyada oo kale ah ayaa ka walaacsan in in ka badan 80 Kenyan ah la afduubay sanadkii la soo dhaafay dad aan waligood aqoonsan, taas oo sare u qaadeysa cabsida laga qabo in tani ay tahay istaraatiijiyaddii ugu dambeysay ee dowladdu ay ku burburiso mucaaradka ka dib mudaaharaadyo ka dhashay tallaabooyin lagu kordhinayo canshuuraha iyada oo ay jirto dhibaato dhaqaale oo qaali ah.
Waxaa sidoo kale jira cadeymo isa soo taraya oo muujinaya in Kenya ay hadda xitaa xidho oo dhiibto dadka u dhashay Uganda iyo Tanzania, iyada oo sida muuqata hay’adaha ammaanka ee saddexda gobol ay iska kaashanayaan sidii wax looga qaban lahaa mucaaradka.
Kizza Besigye oo ah xubnaha mucaaridka eek u xidhan Uganda waxa soo dhiibtay Kenya isaga oo Nayroobi u jooga xaflad lagu soo bandhigayay buug bishii Nofembar, markaas oo la waayay – waxa uu afar maalmood ka dib ka soo muuqday maxkamad milatari oo ku taal Uganda .
Qiyaastii laba bilood ka dib dhibaatadii dhiibistii Besigye, haweenay u dhaqdhaqaaqda dimuquraadiyada oo reer Tansaaniya ah musaafurisna u joogta Kenya, Maria Sarungi Tsehai ayaa sheegtay inay kooxo hubaysan ku afduubeen Nairobi ka dibna, nasiib wanaag ay sii daayeen dhawr saacadood ka dib.