Bangladesh: Xiisad ka Dhalatay Muuqaal laga duubay haweenay la faraxumeeyey

0
120

ย 

Muuqaal laga soo duubay haweeney la faraxumeeyay ayaa buuq iyo sawaxan ka dhaliyay guud ahaan dalka Bangladesh, ka dib markii muuqaalkan si weyn loogu faafiyay internetka. Haweeneydan oo ay wareysatay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in lagu kufsaday guriga aabaheed Khamiistii la soo dhaafay. Muuqaalka ayaa muujinaya dhowr qof oo goobta ku sugnaa.

Booliiska ayaa xidhay shan qof oo uu ku jiro ninka lagu eedeeyay kufsiga, waxaana maamulka uu sheegay inay si dhab ah u baadhayaan kiiska.

Mudaaharaadyo ayaa dalka oo dhan ka dhacay dhamaadkii isbuucii hore ka dib markii muuqaalka la faafiyay, waxaana dhowr hayโ€™adood oo xuquuqda aadanaha u dooda ay dalbadeen in ciqaab adag la marsiiyo kuwa ku lug leh.

Gabadha badbaaday ayaa booqanaysay guriga aabaheed oo ku yaala badhtamaha degmada Cumilla ee dalka Bangaladesh markii qof daris ah uu isu jebiyey ka dib xoog ku qaaday, sida ay booliisku sheegeen.

Haweeneyda oo ka soo jeedda qowmiyadda Hinduuska laga tirada badan yahay, ayaa wareysiyo ay siisay dhowr xarumood oo maxalli ah, iyada oo sheegtay in eedaysanaha uu guri la galay oo uu isugu daray kufsi iyo jidh dil.

Booliska ayaa eedeysanaha ugu weyn ku sheegay Fazor Cali oo 36 jir ah, afarta qof oo kale ayaa la xidhay iyaga oo duubayay oo faafiyay muuqaalo ku saabsan weerarka, sida uu sheegay booliisku.