Japan: Cadho ka Dhalatay Hadalkii Trump ee is Barba-dhiga Weerarkii Dalka Iran iyo Nukliyeerkii Japan

0
124

Japan ayaa cambaareysay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo is barbar dhig ku sameeyay weerarradii Maraykanka ee Iran iyo duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki ee lagu soo afjaray dagaalkii labaad ee adduunka.

“Weerarkaas wuxuu soo afjaray dagaalka,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta Arbacadii. “Ma doonayo in aan isticmaalo tusaale Hiroshima ah, ma doonayo in aan isticmaalo tusaale Nagasaki, laakiin taasi waxa ay ahayd asal ahaan wax la mid ah.”

Qiyaastii 140,000 oo qof ayaa ku dhintay markii Maraykanku uu ku tuuray bambooyinka atomiga ee labada magaalo ee koonfurta Japan bishii Agoosto 1945. Kuwa badbaaday waxay la nool yihiin dhaawac maskaxeed iyo khatarta kansarka oo kordhay ilaa maanta.

Haddii hadalka Trump “uu qiil u noqdo tuurista bamka atomiga, aad ayay noo murugo gelinaysaa haddii aan nahay magaalo la duqeeyay,” ayuu yidhi duqa magaalada Nagasaki Shiro Suzuki.

Faallooyinka Trump waa “wax aan la aqbali karin”, ayuu yidhi Mimaki Toshiyuki, oo ah mid ka badbaaday bamka atomiga, isla markaana ah madax kooxda u doodda daminta Nukliyeer oo ku guuleysata abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, Nihon Hidankyo.

“Runtii aad ayaan u niyad jabay, waxa kaliya ee aan haysto waa cadho,” ayuu yidhi xubin kale oo ka tirsan kooxda, Teruko Yokoyama, sida uu sheegay Kyodo News.

Dadkii ka badbaaday weeraradii Nuclear-ka ayaa Khamiistii mudaaharaad ka dhigay Hiroshima, iyaga oo Trump ka dalbanaya in uu ka noqdo hadalkiisii.

Xildhibaanada Hiroshima ayaa sidoo kale Khamiistii meel mariyay qaraar ay ku diidayaan hadallada marmarsiiyo u ah isticmaalka bambooyinka Nuclearka, waxayna ku baaqeen in colaadaha hubeysan lagu dhameeyo si nabad ah.

Mar wax laga weydiiyey in Tokyo ay cabasho ka gudbin doonto hadalka Trump, Xoghayaha Golaha Wasiirrada Hayashi Yoshimasa waxa uu sheegay in Japan ay marar badan u muujisay mowqifkeeda ku aaddan bambooyinka nukliyeerka ee Washington.

Hadalka Trump Arbacadii ayaa ku soo aaday xilli uu dib u riixay warbixin sirdoon oo si qarsoodi ah loo faafiyay oo lagu sheegay in duqeymaha Maraykanka ee Iran ay dib u dhigayaan barnaamijkeeda Nukliyeerka dhowr bilood.

Trump ayaa ku adkeystay in weerarradu ay “burburiyeen” barnaamijka ayna dib u dhigeen “toban sano” – sheegasho uu taageeray agaasimaha CIA John Ratcliffe .

Japan ayaa ah dalka kaliya ee aduunka uu ka dhacay weerar Nukliyeer ah waxaana wali xasuus xanuun badan leh qaraxyadii Hiroshima iyo Nagasaki.