Godoomiyaha Gobolka Saraar oo Kulan u Qabtay Isuduwayaasha Gobolka

0
69

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Caynaba (Dawan) Gudoomiyaha gobolka Saraar Axmed Cabdilaahi Maxamed ayaa xafiiska gobolka magaalada caynaba shalay kulan kula qaatay Isuduwayaasha iyo masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawlada ee gobolka Saraar.

Kulankan ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey Dardar galinta adeegyada ay bixiyaan laamaha dawlada ee gobolka Saraar, sida ay u qabtaan shaqooyinka kala duwan ee loo qabto bulshada gobolka iyaddoo dhanka Kale na laga dooday sidii loo dardargalin lahaa hawlaha shaqo ee gobolka.

Godoomiyaha gobolka saaraar oo ka hadlayk kulanka ayaa faah faahiyey u jeedada ay iskugu yimaadeen waxanu tilmaamay in u jeedada guud tahay sidii loo Dardar galin lahaa hawlaha shaqo ee adeegyada laamaha dawalada gobolka ka dhisan ay qabtaan iyo sida ay bulshada ugu adeegaan isla markaana laamaha dawlada ee gobolku iskaga kaashan lahaayeen wixii qabado jira.

Gudoomiye Axmed Cabdilaahi Maxamed oo ujeedada kulanka ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “guriga gobolka waxan iskugu nimid dhamaan isuduwayaasha laamaha dawlada ee gobolka, waxanu ka arin sanaynay hawlaha shaqo ee gobolku leeyahay sidii loo Dardar galin lahaa, wadajir na looga wada hawlgali lahaa, caqabadaha baahiyaha hortaagana gacmaha laysaga qabsan lahaa iyo sidii loo midayn lahaa”.

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay in dood dheer iyo falayn qayn kadib kulanku ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Geesta kale godoomiyaha gobolka saraar ayaa ka hadlay dabkii ka kacay buurta Daallo kaaso oo saameeyey deegaan aad u balaadhan islamarkaana gaadhay dhul beereed ku yaalay deegaanka waxana uu tilmaamay sida uu uga xun yahay dabkaa ku habsaday deegaanka buurta Daallo, waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay gobol ahaan taakulaynta intii awoodooda ah ay qayb tooda ka qaadan doonaan, waxanu dadka uu dabku saameeyey ALLE uga baryey innuu cawil khayr qaba ugu badalo hantidii ay ku waayeen dabka.

”Hadaa nahay gobolka saraar waxan aad uga tacsi yadaynaynaa dhibtaa ka dhacday gobolka Sanaag buurtaa Daallo dabkaa qabsaday waxan lee nahay wixii wax ku noqday ALLE Cawil khayr qaba hasiiyo, annaguna diyaar ayaan u nahay gobol ahaan, wax alla wixii gurmad ah ee awoodayada ah waanu ka qayb qaadanaynaa, masiibadaa daminteeda iyo ka hawlgal keeda” ayuu yidhi godoomiyaha gobolka Saraar.

Gabagabadii, Axmed Cabdilaahi Cabdilaahi gudoomiyaha gobolka Saraar ayaa ka hadlay gaadhi shil ku galay gobolka Saraar kaasi oo ay saarnaayeen masuuliyiin wasaaradda ka tirsan wasaaradda waxbarashada isla markaana siday Imtixaankii shahaaadiga ahaa, waxanu u duceeyey masuuliyiintaa oo dhaawacyo fududi ka soo gaadheen Shilka uu la galay Baabuur ku.