โ€œDadka Ajaanibta ah ee Dalka Ka Shaqaysata Cashuur ayaa Ku Baaqata

0
76

Qore. Mowliid Aadan Cumar

Dalkeena waxa ka shaqaysta dad aad u badan oo ajaanib ah, dadkaasi waxay dalka ku joogaan laba waji oo kala ah

Dad dalka ku jooga qoxooti oo duruufi keentay iyo Dad fiise ku jooga oo shaqo tag ah.

Haddaba waxaynu ognahay dadka fiisaha ku jooga dalka inay keensadaan badankoodu Shirkadaha waddani ah ee ka shaqeeya dhismaha iyo noocyada ganacsiga dalka Somaliland ka jira.

Sidaasi awgeed ujeedada Qormadani waxan u gudbinayaa guud ahaan muwaadiniinta Somaliland inay ku xisaabtamaan Ajaanibka dalka ka shaqaysta iyo kuwa Qoxootiga ku joogaba waajibka sharci ee lagu leeyahay in lagu dhaqo hadday tahay mid dalku joogiseed iyo hadday tahay mid cashuur bixineedba.

Sidaasi awgeed waxaan leeyahay shacabka Somaliland waa in uu muwaadinku ilaaliyo xuquuqda dadka ajaanibka ah dalku ku leeyahay iyo xuquuqda ajaanibku leeyahayba.

Intaasi waxaan ku darayaa laba qodob oo aan u u soo jeedinayo Wasaraada Maaliyada iyo Wasaarada Qoyska Somaliland oo ah nuxurka gudbinta Aragtidayda.

  1. Wasiirka wasaarada Maaliyada waxaan ku dhiirinayaa in la xoojiyo baadhisna lagu sameeyo cashuurta ku waajibta dadka ajaanibka ah ee dalka shaqaysta guud ahaan gaar ahaan kuwa dhismaha iyo ganacsiga. Waxbarashada, Caafimaadka, shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa mashaasriicda UNDP ka qaata ee NGO-yada Guud ahaan la xidhiidha.

Sidaasi awgeed Wasaarada maaliyadu qodobkan ha ku samayso ku dabagal iyo baadhis

  1. Wasiirka Maaliyada waxaan u soo jeedinayaa hadii aanay hore u jirin waa in wasaarada shaqada iyo Qoysku ay Bixiso Kaadhka shaqo galka ee dadka Ajaanibka ah ee ay kaga shaqayn karaan Dalka Somaliland guud ahaan Ajaanibka oo dhan mihnada uu doono ha ku shaqeeyee, Dhismaha, Caafimaadka, Waxbarashada, isgaadhsiinta Ganacsiga iyo waxkasta oo ajaanib ka Shaqeeyo Hadii Allah Yidhaa.

ALLAH MAHAD LEH

Wabilaahi Towfiiq