Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada ayaa shalay deeq biya gaadhsiisay dadka dagan Kaamka Barakacayaasha ee deegaanka Qalax ee Koonfurta Magaalada Hargeysa.
Agaasimaha Waaxda Barakacayaasha ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada Maxamuud Yuusuf Cali ayaa sheegay in biyahan ay u qaybiyeen Kaamka Qalax ay ku soo xidheen Wajigii labaad ee biyo qaybinta Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Hargeysa.
Waxaana uu yidhi”Maanta shalay Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada,waxay halkan ku qaybinaysaa oo ay ku soo xidhaysaa wajigii labaad ee biyo qaybinta Kaamamka Barokacayaasha ee Hargeysa,waxa aynu joognaa Kaamka qalax waxa aynu ugu talogalnay in uu noqdo Wajiga labaad ee lagu soo xidhayo biyo qaybinta Kaamamka Barokacayaasha Hargeysa.waxa Wasaarada soo waday muddo badan in Miisaaniyadda qaranka biyo uga dhaamiso.waana Kaamkii 8aad ee biyo u qaybino ee Magaalada Hargeysa.waxaana biyaha hore loo gaadhsiiyay Maxamed Mooge Digaale Mawle Naasahablood A iyo Naasahablood B iyo Naasa hablood C.wajiyada dambe ee biyo qaybinta waala bilaabi doonaa waxaana biyaha loogu shubayaa Kaamka Qalax meelaha danta guud ee bulshada leedahay”.
Sidoo kale dadka ku dhaqan Kaamka Barakacayaasha ee Qalax ayaa uga mahadnaqay Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada biyahan ay soo gaadhsiiyeen.