Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan): Alle haw naxariistee Marxuum Mustafe Xasan Ismaaciil (Ilkacase), oo ahaa sawir qaade sare oo ka tirsanaa Telefishanka Qaranka Somaliland, ayaa shalay ku geeriyoodey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, iyada oo Marxuumku uu maalmihii ugu dambeeyay u jiifey xaalad caafimaad.
Marxuum Mustafe ilkacase wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii lagu aasaasay bar-bilawgii hawl-gelinta Telefiishanka qaranka Somaliland, waxaanu ka shaqo galay sannadkii 2005-kii.
ALLE ah u naxariistee muddo ku siman 20 sanno oo uu qarankiisa u shaqaynayay waxaa uu ahaa shaqsi u heellan shaqadiisa, mar walbana diyaar u ahaa inuu bixiyo dedaal kasta oo looga baahan yahay.
Wuxuu ahaa hawlwadeen xirfad leh oo ay aad uga go’an tahay shaqadu, isaga oo aan ka daalin u socdaalka iyo hawlaha culus ee sawir qaadista iyo duubista muuqaalada.
Dedaalkiisa joogtada ah iyo hawlkarnimadiisu waxay ka dhigeen tiir muhiim ah oo ku dhex jira bahda warfaafinta Somaliland.
Marxuumku wuxuu sidoo kale ahaa nin dadnimo iyo kaftan yaqaan ah, oo leh aqoon iyo xikmad ku dhisan khibrad dheer oo qurxisa xirfadiisa shaqo. Wuxuu bulshada dhexdeeda ka ahaa qof lagu kalsoon yahay, saameyna ku leh dhallinyarada iyo waayeelka labadaba.
Wuxuu ahaa ALLE ha u naxariistee Marxuum Mustafe Xasan Ismaaciil Ilkacase nin shaqada ku bilaabay dhallinyarenino xilagaas oo xarunta Telefiishanka qaranka Somaliland ee Hargeysa ka hawl-galay isaga oo da’yar oo hadana ku darsaday maskax waayeelnimo oo madaale nimo da’yaraan ah, dulqaad waayeelnimo isku xidhka bulshada aan warkoodu soo gudbin Karin iyo warbhaahinta qaranka.
Wuxuu lahaa dulqaad shaqo iyo daacadnimo shaqo oo hufan. ALLE ha u naxariistee Marxuum Mustafe Xasan Islaaciil waxaa uu ifka kaga tegay Xaas iyo afar ubad ah.
Guud ahaan Madaxda kala duwan ee Dawan Media Group tifaftireyaasha iyo wariyeyaashuba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska qaraabada ehelka iyo guud ahaan warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay. Waxaanay Marxuumka ALLE uga baryayaan in uu u naxariisto oo jannooyinkiisa ugu deeqo.




















