Dilaaga RSF Abu Lulu oo la Baadhayo Fal-dambiyeedyada uu Geystay

0
40

Dagaalyahan lagu magacaabo Abu Lulu ayaa maalmahan hadalhayntiisu taagnayd. Waxa lagu tirinayaa in uu muddo dheer ka shaqaynayay kooxda RSF, marka la fiiriyo boggiisa bulshada ee internet-ka oo ay BBC-du baadhitaan ku samaysay.

Muuqaal markii ugu horraysay lagu faafiyay internetka dhammaadkii usbuucii la soo dhaafay ayaa muujinayay Abuu Luluu oo dhex taagan maydad, meel ku taalla woqooyi-galbeed magaaladaasi. BBC Verify oo kaashanaysa Xaurunta Centre for Information Resilience (CIR) ayaa xaqiijisay goobta lagu duubay muuqaalkan, balse way adagtahay in si sax ah loo sheego in dadka dhintay ee muuqaalka ku jira ay yihiin rayid ama askar ka tirsan ciidanka millateriga oo lagu dilay dagaalka, maaddaama tayada muuqaalku ay hoosayso.

Abu Lulu ayaa sidoo kale lagu arkay ugu yaraan laba muuqaal oo muujinaya isaga oo ka qayb qaadanaya dilal toogasho ah oo lagu fulinayo rag aan hubaysnayn kuwaas oo jilba jooga oo ay ilaalo hubaysan ku hareereeyeen. Baadhitaan lagu sameeyay sawirrada ayaa muujiyay in dhammaan muuqaalladaasi lagu baahiyay internetka dhammaadkii todobaakan.

Mid ka mid ah muuqaalladaas ayaa lagu arkayay Abu Lulu oo la hadlaya nin dhaawac ah oo dhulka jiifa, isagoo ku canaananaya in aanu bixin xog uu doonayay, ka hor inta aanu ugu hanjabin in uu kufsanayo. Dagaalyahankan RSF ayaa markaas kaddib toogtay ninka la qabtay isagoo adeegsanaya qori darandoorri u dhaca.

Muuqaal kale oo gooni ah ayaa tilmaamaya Abu Lulu oo taagan isaga oo ay garab taagan yihiin dhowr dagaalyahan oo ka tirsan RSF, kuwaas oo sita qoriyo nooca AK-47 ah isla markaana ilaalinaya ugu yaraan sagaal maxbuus oo aan hubaysnayn. Isaga oo raggaas la hadlaya ayaa Abu Lulu uu qorigiisa u jeediyay kooxda, wuxuuna furay rasaas. Markii uu toogashada dhammeeyay, dagaalyahannadii kale ee hubaysnaa ayaa kor u taagay gacmahooda iyagoo ku qeylinaya erayo farxad ah.

Muuqaal kale oo la arkay ayaa muujinaya dagaalyahanka Abu Lulu oo la taagan dhowr nin oo kale oo hubaysan islamarkaana ay tobannaan mayd ay muuqdaan gadaashiisa. Qaar ka mid ah dagaalyahannadaas ayaa xidhnaa dhar u eg kuwa RSF, mid ka mid ahna waxaa ku yaallay astaanta wareegsan ee leh khadka madow , taas oo la mid ah calaamadda ay isticmaalaan ciidamada RSF.

Bishii August, RSF ayaa sheegtay in ay baadhi doonto Abu Lulu kaddib markii lagu eedeeyay in uu toogtay maxbuus. Bayaan ayaa lagu yidhi, “haddii la caddeeyo in qofka falka geystay uu dhab ahaantii ka tirsan yahay safkeenna, isla markiiba waa lala xisaabtami doonaa.”

Muuqaalladan ayaa soo baxay kaddib markii cilmi-baadhayaal ku sugan Maraykanka ay sheegeen in sawirrada dayax-gacmeedka ee laga qaaday magaalada El-Fasher tan iyo markii magaalada la qabsaday ay u muuqdaan in dilal tirada badan laga fuliyay waddooyinka magaaladaasi.

Bilihii u dambeeyay, ciidanka millateriga ayaa guulo waaweyn oo ka gaadhay dagaalka ay kula jiraan ka ah RSF oo ay ku jirto dib u qabsashada caasimadda Khartuum, taasi oo ka dhigtay in ciidammada qalabka sida ay hadda xakameeyaan inta badan waqooyiga iyo bariga ah dala.

Dhinaca kale, RSF ayaa xukunta ku inta badan gobolka Darfur ee galbeedka iyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka deriska la ah ee Kordofan, kaas oo saldhig u ahaa xooggaga RSF oo hore loogu yaqaannay Janjaweed. Kooxdan ayaa waxa ay hore ugu eedaysanayd dilal ka dhan ah qowmiyadaha oo ka dhacay Darfur intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2005. Waxaa la aaminsan yahay in qaar badan oo ka mid ah kuwa la dagaal galay xilligaasi ay markii dambe ku biireen RSF.