UN-ka oo Cambaareeyay Waxa ka Socda Sudan

0
48

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa cambaareeyay wararka sheegaya dilalka loo geystay bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in saameynta dagaalku ku yeeshay dadka rayidka ah ay tahay mid naxdin leh, iyadoo loogu baaqay xubnaha golaha in ay masuuliyadda dilalka sharciga ka baxsan iyo xadhigga aan sababta lahayn lagula xisaabtamo ciidamada RSf.

Tom Fletcher, oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, ayaa golaha ammaanka u sheegay in RSF ay dad xidheen. Sidoo kalena waxa ay sheegeen in la kufsaday haween tiro badan oo ay ka mid yihin gabdho yar yar, isla markaana iyada oo dad la dhaawacayo ama la dilayo muuqaallo laga duubay.

Fletcher oo arrimahaasi ka hadlayay ayaa yidhi, “Inkasta oo aynaan maqal qaylada, haddana marka aynu maanta halkan fadhinno, argagaxu wuu sii socdaa,” Waxa uu sharaxay in tobanaan kun oo qof oo cabsi iyo gaajo la ildaran ay yihiin kuwo baxsad ah ama ka xeeladaysanaya meelaha ay dagaalladu saameeyeen.

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee dalka Suudaan ee la yidhaahdo (RSF), ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in cisbitaal ku yaalla magaalada la yidhaahdo El-Fasher ee waqooyiga Darfur ay ku dileen in ka badan afar boqol oo qof. Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in shacabka ay ka carareen magaalada, isla markaana aanay jirin isbitaallo shaqeynayay markii RSF ay la wareegtay magaalada todobaadkii hore.