“Kulanka Maanta Waa Nolol Ama Geeri!” Qaabka Kaliya ee Chelsea Ku Garaaci Karto Spurs

0
61

Halyeeygii hore ee Chelsea Joe Cole ayaa sheegay in Blues ay ku tiirsan tahay saddex ciyaaryahan oo kaliya. Waxa uu sheegay sida kaliya ay Tottenham Hotspur uga adkaan karaan Sabtida maanta. Chelsea ayaa haatan ka hooseysa Spurs jadwalka Premier League, iyadoo guuldarro 2-1 ah ay kala kulantay Sunderland kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka, halka Tottenham ay 3-0 ku xasuuqday Everton si ay ugu kacdo kaalinta saddexaad. Cole wuxuu aaminsan yahay in Pedro Neto uu yahay mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu muhiimsan ee Chelsea haddii ay rabaan inay guul ka gaadhaan Spurs. Neto ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah dhawaan, isagoo ka qeyb qaatay saddex gool labo kulan oo Premier League ah. Sidoo kale, Cole wuxuu tilmaamay in Jamie Gittens iyo Estevão Willian ay door weyn ka ciyaari doonaan kulanka, haddii Chelsea ay rabto inay saddexda dhibcood ka qaadato kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham. “Kulanka Chelsea iyo Spurs waa mid taariikhiyan Chelsea ay ku raaxeysan jirtay,” ayuu Cole u sheegay Paddy Power. “Laakiin hadda xaaladdu way is beddeshay. Tottenham waa koox farxad leh oo kor u socota, halka Chelsea ay wali isku dayeyso inay dhisto kalsooni. “Haddii Chelsea rabto inay Spurs garaacdo sabtida, waxay ku tiirsanaan doonaan ciyaartooy sida Pedro Neto oo si cajiib ah u ciyaaraya, Jamie Gittens oo gool iyo caawin sameeyay kulankii Wolves, iyo Estevão. “Chelsea goolashooda waxay ka iman doonaan garbaha iyo khadka dhexe. Enzo wuu qeyb laxaad leh ka qaadanayaa goolasha, laakiin kulankani aad buu u adkaanayaa,” ayuu ku soo gabagabeeyay.