Sii-deynta Marwan Barghouti: Rejada Cusub ee Falastiin iyo Fursadda Nabada Gobolka

0
42

Marwan Barghouti, oo muddo labaatan sanno ka badan ku xidhnaa xabsiyada Israa’iil, ayaa wakhtigan mar kale noqday magaca ugu hadal haynta badan gudaha Falastiin iyo guud ahaan Bariga Dhexe. Wararka ku saabsan suuragalnimada sii-deyntiisa ayaa abuuray rajo cusub, dood siyaasadeed iyo dareen nabadeed oo muddo dheer laga waayay dhulka Falastiin. Barghouti, oo lagu tilmaamo “Nelson Mandela reer Falastiin”, waxa uu noqday astaan u taagan adkaysi, halgan iyo rajo mideynaysa shacabka Falastiin.

Marwan Barghouti waxa uu ku dhashay tuulada Kobar ee Daanta Galbeed, isagoo ku biiray dhaqdhaqaaqa Fatah da’diisu markay ahayd 15 jir. Dadaalkiisa siyaasadeed iyo hawlgelinta dhalinyarada ayaa ka dhigtay mid caan ah intii uu ahaa hoggaamiyaha Fatah Yaasir Carafaat.

Barghouti waxa uu caan ku noqday hogaaminta kacdoonkii Labaad ee Falastiiniyiinta) horraantii 2000-meeyadii. Israa’iil ayaa ku eedaysay inuu aasaasay Guutada Shuhadada Al-Aqsa, oo fulisay weerarro dhimasho sababay, inkasta oo uu si cad u diiday eedaymahaas.

Sannadkii 2004, maxkamad Israa’iili ah ayaa ku xukuntay xabsi daa’in iyo 40 sano oo dheeraad ah, balse taageerayaashiisu waxay ku tilmaamaan xukunkaas mid siyaasadeed oo lagu cabbudhinayo codka xorta ah ee u dooda nabadda iyo madax-bannaanida Falastiin.

Todobaadyadii ugu dambeeyay, waxa soo baxayay warar kala duwan oo si weyn u muujinaya rejo wanaagsan oo la xidhiidha sii daynta Marwan Barghouti, iyada suurt-galnimada in agu lagu daro heshiisyada maxaabiis is-weydaarsiga ah ee lala xidhiidha dadaallada lagu doonayo in lagu gaadho xabbad-joojin ka hirgasha Gaza.
Waxaa intaa dheer in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu ka fiirsanayo in uu codsi u gudbinayo dawladda Israa’iil si loo sii daayo Barghouti, taas oo uu ku sheegay inay noqon karto tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa xasiloonida Gaza iyo dadaallada nabadeed ee gobolka Bariga Dhexe.

Qoyska Barghouti ayaa bilaabay dadaallo diblomaasiyadeed oo la xidhiidha sidii uu xoriyadiisa dibu ugu heli lahaa, iyadoo xaaskiisa Fadwa Barghouti iyo wiilkiisa Arab Barghouti ay si toos ah farriin ugu direen Madaxweynaha Maraykanka Trump, baaqaasi oo ay ku sheegeen “Mudane Madaxweyne, saaxiib dhab ah ayaa ku sugaya. Gacan ka geysta sii-deynta Marwan Barghouti, si loo xaqiijiyo xorriyadda Falastiiniyiinta iyo nabadda mustaqbalka.”

Sii-deynta Marwan Barghouti waxay noqon lahayd dhacdo taariikhi ah oo beddeli karta jihada siyaasadda Falastiin. Gudaha Falastiin: Barghouti waxaa loo arkaa hoggaamiyaha keliya ee mideyn kara Xamaas iyo Fatah kuwaas oo ah labada dhinac ee ugu awoodda badan, balse muddo dheer isku hayay khilaaf siyaasadeed. Sidoo kale diblumaasiyiin badan oo caalamka ah ayaa qaba haddii la sii daayo, in Barghouti uu noqon karo wajiga cusub ee nabadda, kaas oo horseedi kara xal siyaasadeed oo dhab ah oo ku salaysan “labada dal” (Two-State Solution).

Qoyska Barghouti ayaa rumeysan in sii-deyntiisu aanay ahayn kaliya arrin qoys, balse ay tahay qodob mideyn kara ummadda Falastiin. Ina-adeerkiis Mohammad Barghouti ayaa sheegay in uu hubo 80% oo uu kalsooni weyn ku qabo in sii dayntiisu ay dhowdahay, halka walaalkiis Moqbel Barghouti uu yidhi: “Ma jiro qof kale oo midayn kara Falastiiniyiinta sida Marwan.” Wiilkiisa Arab ayaa dhankiisa ku daray: “Aabbahay ma ahayn nin ciidan ah ama jeneral. Wuxuu ahaa siyaasi, xildhibaan iyo qof rumaysan wada-noolaanshaha nabadeed.”