Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa qirtay in kooxdiisu ay la kulantay nasiib xumo iyo dib-u-dhac badan xilli ciyaareedkan, gaar ahaan goolasha daqiiqadaha dambe laga dhaliyo.
Slot ayaa yidhi: “Waa inaan ka fogaannaa arrintaas oo aan diiradda saarno hagaajinta bandhigyada. Inta jeer ee gool nagala dhaliyay daqiiqadaha dambe way ka badan tahay sidii caadiga ahayd.”
Wuxuu intaas ku daray: “Si dhab ah ayaan u dhihi karaa nasiib ma aanan helin. Laakiin ma nasiib xumo baa mise waa tayadeenna dhabta ah? Inta ka harsan xilli ciyaareedka ayaa jawaabta bixin doonta.”
Macallinka reer Holland ayaa tilmaamay in kooxda ay marar badan soo bandhigtay ciyaaro wanaagsan balse aanay helin natiijadii ay mudnayd. Wuxuu sidoo kale xusay in saddex qeybood oo kaliya si cad looga awood roonaaday; kulamadii Crystal Palace, Manchester City iyo Arsenal.
Slot ayaa ugu dambeyn ku booriyay ciyaartoydiisa inay diiradda saaraan shaqadooda halkii ay ka eegi lahaayeen nasiib xumada, isagoo sheegay in bilaha soo socda ay caddeyn doonaan halka dhibaatadu ka timid.























