Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid, Toni Kroos, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Saudi Pro League, gaar ahaan muranka la xidhiidha Cristiano Ronaldo.
Ronaldo, oo u ciyaara Al-Nassr, ayaa la sheegay inaannu ka qeyb gelin labadii kulan ee ugu dambeeyay sababo la xidhiidha khilaaf kala dhexeeya milkiilayaasha kooxda.
Kroos oo la hadlayay Bryan Nassr ayaa sheegay in sumcadda horyaalka Sacuudiga ay si weyn ugu xiran tahay joogitaanka Ronaldo.
“Saudi League waa meel gebi ahaanba ka duwan dunida kale. Qofna ma aqoon kahor inta aannu Cristiano iman. Hadda ma tixgelinayaan ninkii ka dhigay mid caan ka ah dunida oo dhan,” ayuu yidhi Kroos, sida uu baahiyay Foot Mercato.
Wuxuu si kalsooni leh u sheegay: “Waxaan idiin sheegayaa, haddii Ronaldo berri baxo, cidina ma daawan doonto horyaalkaan mar dambe.”
Kroos iyo Ronaldo ayaa wada joogay Real Madrid intii u dhexeysay 2014 ilaa 2018, kahor inta aannu Ronaldo u wareegin Juventus. Kroos ayaa ciyaaraha ka fariistay 2024, halka Ronaldo weli si heer sare ah uga dhex muuqdo Sacuudiga.























