Dawladda Hoose ee Berbera oo Hirgelisay Mashaariic Muhiima

0
294

Barnaamijka Dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan xubinta koowaad, waxa aynu ku iftiiminaynaa waxqabadka muuqda ee Dawladda Hoose ee Berbera, kaasi oo horseed u noqday horumarka, bilicda iyo koboca dhaqaalaha magaalada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa safar shaqo ku tegay Berbera, halkaasi oo uu si rasmi ah xadhigga uga jaray mashaariic horumarineed oo ay fulisay Dawladda Hoose ee degmada.

Mashaariicda ugu waaweyn ee la daah-furay waxaa ka mid ahaa waddooyin cusub oo lagu horumariyay xaafado kala duwan. Waddooyinkan oo ay hirgelisay Dawladda Hoose ee Berbera ayaa si weyn u fududeynaya isu-socodka bulshada iyo gaadiidka ganacsiga, isla markaana kor u qaadaya isku xidhka xaafadaha iyo dhaqdhaqaaqa dekedda. Tallaabadan waxay muujinaysaa sida maamulka degmada uu u hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga, taasi oo Berbera ka dhigaysa magaalo casri ah oo kobac dhaqaale leh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jaray saddex goobood oo casri ah oo loogu talagalay nasashada iyo isu imaatinka bulshada. Goobahan oo ay hirgelisay Dawladda Hoose ee Berbera ayaa kor u qaadaya bilicda magaalada, isla markaana abuuraya jawi dalxiis iyo nololeed oo ku habboon horumarka bulshada reer Berbera. Tallaabadan waxay caddeyneysaa aragtida maamulka degmada ee ku wajahan horumarinta magaalooyin leh adeegyo bulsho oo tayo leh.

Madaxweynaha waxa kale oo uu daah-furay dhismaha cusub ee Xarunta Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera, oo ah xarun shaqo oo casri ah oo xoojinaysa adeeg bixinta iyo hufnaanta maamulka. Dhismahan cusub ayaa ka tarjumaya tallaabo muuqata oo loo qaaday dhinaca Dawlad-wanaagga iyo horumarinta hay’adaha dawladda hoose, isaga oo fududeynaya habsami u socodka shaqada iyo adeegyada bulshada.

Dhammaan mashaariicdan oo ay fulisay Dawladda Hoose ee Berbera ayaa muujinaysa karti, himilo fog, iyo qorsheyn muuqata oo ku wajahan horumar waara. Waxay sidoo kale caddeyneysaa wada shaqaynta midho-dhal ah ee u dhexeysa maamulka iyo bulshada, si loo xaqiijiyo adeegyo tayo leh oo kor u qaadaya nolosha muwaadiniinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku bogaadiyey Maayarka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), iyo maamulka degmada dadaalkooda joogtada ah ee ku wajahan horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mashaariicdan iyo daah-furka xadhigga ayaa mar kale muujinaya sida Dawladda Hoose ee Berbera ay hormuud uga tahay horumarinta magaalada, iyada oo si muuqata u hirgelisay waddooyin, goobo bulsho iyo xarumo maamul oo casri ah, taasoo ka tarjumeysa himilo fog iyo waxqabad dhab ah oo la taaban karo