Furitaanka Seeraha Buurta Libaaxley, tallaabo Badbaadinta Xoolaha iyo Rajo Cusub oo ka Bilaabantay Gobolka Awdal

0
123

Barnaamijka Deegaan-Jire ee todobaadkan xubinta labaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa munaasibad taariikhi ah oo ka qabsoontay Degmada Boon ee Gobolka Awdal, halkaasi oo si rasmi ah loogu furay Seeraha Buurta Libaaxley. Furitaanka seerahan waxa hormuud ka ahaa Isku-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL ee gobolka Awdal, isaga oo ay weheliyaan masuuliyiin heer gobol iyo degmo ah.

Munaasibaddan ayaa ku soo beegantay xilli ay jirto abaar baahsan oo si weyn u saamaysay bulshada iyo duunyada ku dhaqan deegaannada Gobolka Awdal, taas oo sii kordhisay baahida loo qabo ilaalinta iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah.

 

Seeraha Buurta Libaaxley waa dhul si gaar ah loo asteeyey oo loogu talagalay, ilaalinta dhirta iyo dhul-daaqsimeedka dabiiciga ah, Badbaadinta xoolaha iyo duur-joogta ku nool deegaanka, xajinta biyaha roobka iyo yaraynta nabaad-guurka iyo soo celinta dheellitirka deegaanka ee ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqda.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasibadda ayaa adkeeyey in furitaanka seeruhu yahay tallaabo wax ku ool ah oo lagaga hortagayo xaalufinta deegaanka, isla markaana lagu abuurayo hannaan waara oo lagu maamulo dhul-daaqsimeedka.

 

Abaaraha soo noqnoqda ee ka jira Somaliland ayaa sababay,hoos u dhac ku yimaadda daaqa iyo biyaha, dhibaato ku timaadda xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada iyo barakac ku yimaadda qoysaska reer guuraaga ah.

Furitaanka Seeraha Buurta Libaaxley waxa uu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo Wasaaradda Deegaanku ku doonayso, in dib loogu soo nooleeyo dhulkii daaqsinka ahaa, in la xakameeyo jarista dhirta iyo xaalufinta iyo in la dhiirrigeliyo wacyigelinta bulshada ee ilaalinta deegaanka.

Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Awdal ayaa tilmaamay in ilaalinta deegaanka ay tahay masuuliyad wadaag ah, isla markaana loo baahan yahay in bulshada deegaanka ay door firfircoon ka qaadato ilaalinta seeraha Buurta Libaaxley.

Furitaanka Seeraha Buurta Libaaxley waxa uu astaan u yahay dadaalka sii kordhaya ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL ee ku wajahan ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan xilliyada adag ee abaaraha.