Faransiiska oo sii daayay markab lagu qabtay shidaal uu ka qaaday Ruushka

0
192

Faransiiska ayaa sheegay inuu sii daayay markab shidaal oo looga shakisan yahay inuu qayb ka ahaa Maraakiibta loo yaqaano Shadow Fleet ama Maraakiibta aqoonsigooda qariya, kaas oo la sheegay inuu jebiyey cunoqabatayntii lagu soo rogay Ruushka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean-Noël Barrot ayaa sheegay in markabka oo lagu magacaabo Grinch, uu ka baxay biyaha Faransiiska Salaasadii isaga oo bixiyay ganaax dhan “dhowr milyan oo Yuuro”.

Markabkan ayaa ciidamada Faransiiska ay ku qabteen badda Mediterranean-ka bishii Janaayo waxaana loo weeciyay magaalada dekadda leh ee Marseille. Wuxuu ka soo shiraacatay magaalada Murmansk ee waqooyiga Ruushka waxaana uu ku gooshaayey ama ku socday calanka Comoros, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Maraakiibtan loo yaqaano Shadow fleet ee Moscow waa shabakad qarsoodi ah oo Tangaro ah oo loo isticmaalo in laguls baxsado saliida Ruushka ee reer galbeedku saaray cunaqabataynta. Waa maraakiib duug ah oo leh lahaansho qarsoon iyo caymis qarsoon.

Dalal badan oo reer Galbeed ah ayaa cunaqabatayn ku soo rogay saliidda Ruushka ka dib markii ay duullaan buuxa ku qaadday Ukraine sannadkii 2022.

“Ku hareeraynta Ruushka ee la cunaqabateeyey waxay ku timaadaa qiimo weyn. Ruushku mar dambe ma awoodi doono inuu maalgeliyo dagaalkiisa isaga oo isticmaalaya maraakiib cirfiid ah oo ka baxsanaya xeebaheenna,” Barrot ayaa ku yidhi qoraal uu ku qoray X.

Wuxuu intaas ku daray: “Markabkii Grinch wuxuu ka bixi doonaa biyaha Faransiiska ka dib markii ka dulsaaray dhowr milyan oo Yuuro iyo saddex toddobaad oo uu ku jiray xanibaad.”

Tirada sii kordheysa ee Tankarada qaada saliidda Ruushka, Iiraan iyo Venezuela ayaa adeegsanaya habab kala duwan si ay u qariyaan aqoonsigooda una jebiyaan cunaqabataynta reer Galbeedka.

In kasta oo qiyaasuhu kala duwan yihiin, haddana xogta laga helay kooxda kormeerka ee TankerTrackers.com waxay soo jeedinaysaa in maraakiibta hadda ay ka kooban yihiin 1,468 markab, qiyaastii saddex jibaar cabbirkooda xilligii Ruushku uu si buuxda u weeraray Ukraine afar sano ka hor.

Maraykanka ayaa sidoo kale qabtay Maraakiib ay sheegeen inuu jebiyeen cunaqabataynta iyaga oo siday shidaal Venezuela iyo Ruushka ah.

Moscow ayaa cambaareysay tallaabadaas, iyada oo sheegtay in aanu jirin dowlad xaq u leh inay xoog ku isticmaasho maraakiibta si sax ah uga diiwaan gashan dalal kale.