Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan) Dawladda Israa’iil,ayaa ka war bixisay xaaladda khuburadii dhinaca biyaha ee ka socday Somaliland ee dalkaas socdaalka ku joogay. Dawladda Israel ayaa qoraal ay soo saartay kaga warbixisay xaaladda khubaradii dhinaca biyaha ee ka socday Somaliland kuwaas oo tobabaro biyaha la xidhiidha ku qaadanayey wadankaas.
Xarunta Tababarka MASHAV, ayaa sheegtay in khubaradii ka socotay Wasaaradda Biyaha Somaliland ay si habsami leh u wadaan tababarradii loogu talo galay, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta mashaariicda iyo xoojinta adeegyada biyaha.
Sida ay xaruntu sheegtay, inkasta oo ay jiraan duruufo adag oo ka jira Israel, maadaama ay jiraan xaalado dagaal haddana khubarada Somaliland waxay muujiyeen dedaal iyo ka go’naan muuqata oo ku aaddan ka faa’iidaysiga tababarka iyo aqoonta la siinayo. Waxay si joogto ah uga qayb qaadanayaan barashada iyo falanqaynta mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo nidaamyada biyo-gelinta.
Xarunta MASHAV ayaa sidoo kale ku ammaantay khubarada Somaliland sida ay uga go’an tahay sii wadidda waxbarashada iyo dadaalka ay ugu jiraan helitaanka xalal waara oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee bulshada Somaliland.






















