Qore: Faysal Xiis Afgaab
Berbera (Dawan) Dekedda caalamiga ah ee Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed ayaa sanadihii u dambeeyay ku talaabsatay horumar muuqda kadib maalgelin iyo casriyeyn ay ku samaysay shirkadda caalamiga ah ee DP World.
Warbixin ay faafisey Wakaaladda AFP oo uu soo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in Dekedda Berbera hadda loo arko mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee sii kobcaya ee Geeska Afrika ka hano qaaday.
Maamulka dekedda Berbera ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa konteenarrada iyo maraakiibtu uu kordhay qiyaastii 30 boqolkiiba intii u dhexeysay sanadihii 2023 ilaa 2025.
Masuuliyiinta dekeddu waxay sidoo kale tilmaameen in wadahadallo lala wado dalka deriska ah ee aan bada lahayn ee Ethiopia ay suuragal ka dhigi karaan korodh kale oo weyn, maadaama Itoobiya ay tahay suuq ballaadhan oo leh dad ka badan 130 milyan oo qof.
Dhanka kale warbixintan ayaa sheegtay in aqoonsigii dhawaan Israa’iil siisay Somaliland laga filanayo inuu kordhiyo xiisaha ganacsi iyo maalgashi ee dekedda Berbera, iyadoo maamulka dekeddu xusay in arrintani horseedi karto ballaadhin cusub oo dekedda lagu sameeyo.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil uu yahay mid lagu doonayo iskaashi iyo horumar, isla markaana Somaliland ay doonayso inay ka qayb qaadato xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Maamulka magaalada Berbera ayaa sheegay inay rajeynayaan in horumarka ganacsi iyo aqoonsiga cusub ay mustaqbalka Berbera ka dhigi karto xarun ganacsi oo muhiim ah oo ka hanaqaadda Geeska Afrika, iyagoo intaas ku daray in maalgelintii dekedda lagu sameeyay ay kor u qaaday dakhliga canshuuraha iyo adeegyada bulshada sida dugsiyada hoose iyo xarumaha caafimaadka.






















