Ciyaaryahanka da’da yar ee Chelsea, Estevão Willian, ayaa loo doortay Da’ Yarka ugu fiican ee Sanadka intii lagu jiray London Football Awards 2026 oo lagu qabtay magaalada White City ee London.
Estevão ayaa helay abaalmarintan kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay Stamford Bridge. Xiddiga 18-jir ah ayaa dhaliyay 7 gool isla markaana bixiyay 3 caawin (assists) 32 kulan oo uu u saftay Chelsea dhammaan tartamada.
Estevão ayaa ku guuleystay abaalmarinta isagoo ka adkaaday ciyaartoy kale oo la tartamayay sida Adam Wharton, Michael Kayode, Josh King iyo Oliver Scarles.
Dhanka kale, ciyaaryahanka Chelsea ee dumarka Alyssa Thompson ayaa ku guuleysatay Women’s Young Player of the Year kadib markii ay dhalisay 8 gool xilli ciyaareedkan. Sidoo kale Millie Bright ayaa heshay PFA Women’s Player in the Community, taas oo lagu siiyay shaqadeeda wacyigelinta autism iyo ADHD iyadoo la shaqaynaysa Chelsea Foundation.






















