Gabriel Magalhães Oo Jawaab Kulul Siiyay Dadka Dhaleeceeya Qaab Ciyaareedka Kooxdiisa Arsenal

0
80

kooxdiisa aannay dheg-jalaq u siineyn dhaleeceynta ku saabsan in ay aad ugu tiirsan yihiin goolasha ka yimaada kubbadaha go’an (set-pieces).

Gabriel ayaa hadalkan sheegay kadib markii Arsenal ay guul ka gaadhay Brighton & Hove Albion kulankii Premier League. Wuxuu sheegay in ciyaartoydu diiradda saarayaan oo kaliya inay kulamadooda guuleystaan, halkii ay ka dhageysan lahaayeen waxa dadka kale ka sheegayaan qaab ciyaareedkooda. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu kaliya ogaaday natiijada Manchester City kadib markii ciyaarta dhammaatay.

“Waxaan ogaadey kadib markay ciyaarta dhammaatay waxey naga sheegayaan,” ayuu yidhi Gabriel. “Waxay bilaabeen inay ka hadlaan waxa ka dhaca garoonka dhexdiisa. Laakiin sidaan horay u sheegay, waa inaan diiradda saarno waajibaadka annaga na saaran — taas oo ah inaan guuleysano kulamadeena.”

Arsenal ayaa hadda gaadhay saddex guul oo xidhiidh ah, waxaana Gabriel uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda joogteynta. Wuxuu sheegay in xilli ciyaareed dheer aan la filayn in kooxdu mar walba si qumman u ciyaarto, balse waxa ugu muhiimsan ay tahay in la helo saddexda dhibcood.

Gabriel sidoo kale wuxuu iska fogeeyay hadalladii tababaraha Brighton ee ku saabsanaa kubbadaha go’an ee Arsenal. Wuxuu yidhi: “Runtii ma danaynayno waxa uu sheegay. Arrintaas waxaa go’aaminaya garsooraha marka ciyaartu socoto.”