Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa xabsiyadda Mandheera iyo Gabiley ka sii daayay 12 maxbuus, kuwaas oo dhammeystay muddadii xadhigga ciqaabta ee lagu xukumay, balse u xidhnaa xuquuqo madani ah (lacago ama magdhow ay ku lahaayeen dad kale) oo ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa dedaal iyo juhdi badan kadib ku guuleystay in maxaabiistaasi dib u helaan xorriyaddooda, ka dib markii wasiirku uu la-tashiyo la yeeshay hay’adaha garsoorka, Ciidanka Asluubta iyo dhinacyada kale ee ay khusayso arrintani.
Wasaaradda Caddaaladdu waxa ay u mahadcelinaysaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan bani’aadannimo ee lagu siidaynayo maxaabiista u xidhnaa xuquuqaha madaniga ah, sidoo kale Wasaaraddu waxa ay bulshada reer Somaliland u caddeynaysaa inay sii wadi doonto dedaallada la xidhiidha arrimaha bani’aadannimada, gaar ahaan maxaabiista xukunku ka dhammaaday ee u xidhan xuquuqa madaniga ah.
Tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad kor u qaadista iyo horumarinta caddaaladda, daryeelka xuquuqda maxaabiista iyo xoojinta wadajirka bulshada.






















