Baanka Dhexe oo Tababar u soo Xidhay Xubno Ka Kala Socday Hay’daha Dhaqaalaha Dalka

0
67

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Xamse Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa tababar socday muddo saddex maalmood ah u soo xidhay qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya hay’adaha dhaqaalaha ee dalka, kuwaas oo lagu tobabaray halbeega horumarinta dhaqaalaha iyo xisaabintooda oo la yidhaahdo CG Model.

Tababarkan oo ka qabsoomay xarunta Baanka Dhexe ee Caasimadda Hargeysa oo noqonaya wejigii labaad ee ay qaataan shaqaalahu, ayaa waxa munaasibaddii xidhitaanka ee loo sameeyey goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe Yaasin Calase, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adda UNDP oo iyadu taageeraysa barnaamijka tababarkan.

Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe Xamse Cabdiraxmaan Kheyre oo hadal ka jeediyay xidhitaankii tababarkan ayaa uga mahadceliyey ka soo qaybgalayaashii ayaa waxa uu tilmaamay in arrintan laga dheehan karo in Somaliland ay ka go’an tahay inay go’aamadeedu noqdaan kuwo ku dhisan xog iyo xog ogogaalnimo iyo cilmi baadhista dhaqaalaha.

“Waxa aan idiin ka mahadcelinayaa sidii firfircoonayd ee aad uga qeybqaadateen tobabarkaas socday muddada saddexda maalmood ah idinka oo ka kala socday dhammaan hay’adaha dhaqaalaha ee dalka, waxaana halkan ka muuqata in hay’adaha dawladda ay ka muuqato go’aan qaadashada ku dhisan xogta ama xog ogogaalnimada iyo cilmi baadhista dhaqaalaha in la xoojiyo sida ay dawladda Somaliland uga go’an tahay ayaa ay arrintani muujinaysaa”. Ayuu yidhi Xamse Kheyre.

Sidoo kale Agaasimaha Baanka dhexe Yaasiin Jaamac Calase oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa wuxu yidhi“Aqoontan aynu maanta halkan ku baranaynaa waxa ay tahay Laabkii dhaqaalaha wadanka, Lab ka dhaqaalaha wadankan waxa loo baahan yahay in la helo xog sax ah. Imika marka aynnu agabkan barano oo aynu ku barano xogahaa kale ee aynu ka soo min guurinay dunida kale, hadhow hada na waxa aynu u baahanahay in la soo uruuriyo xogtii saxda ahayd”.