Sanadadii lixdanaadkii qarnigii 20aad waxa hay’adda sirdoonka Maraykanka “CIA” ay ogaatay in madaxd dunida ay si aad ah ugu xidhan yihiin faaliyayaasha, xidigiska iyo kooxaha sheegta inay ka waramaan arimaha dhacaya mustaqbalka iyo sida xaaladdu noqon doonto.
Sidaa awgeed waxa ay abuureen kooxo ay ku sheegeen inay yihiin faaliyaal ah caan ah oo wixii ay ka waramaan mustaqbalka ay run noqoto. Kooxahan waxa ay ku dhex beereen dalal kala duwan kuwaasi oo aan cidi ogayn laakiin loo sameeyay dacaayado badan si loo rumaysto inay yihiin kuwa wax ka ogaan kara wakhtiyda soo socda.
Kooxahaasi ay abuureen mid ka mid ah ayaa faaliye u noqday madaweynihii hore Indonsiea Suharato , Ra’iiswasaraha Albanaaya, iyo Madaxweynihii dalka Ghan Kuwam Nakruma.
Sarkal sare oo ka tirsanaa CIA ayaa sheegay in faaliyayaasha ay sameeyeen ay ahaayeen kuwii ka nabad geliyaay dalka Ghana inuu ka dhaco afgebi dhiig badani ku daaato, ka dib markii Faaliyihii uu ku kalsoonaa madaxweynaha dalkaa Nakruma, oo ka mid ahaa CIA kuwa sirdoonka CIA beertay uu kula taliyay inuu booqasho ku tago dalka Shiinaha, waxaana uu ugu macneeyay inu xukunkiisa u cimrigiisu sii dheeraanayo haddii sidaa sameeyo.
Arinkaasi waa fuliyay madaxweynuhu, laakiin mudadii uu ku maqnaa Shiinaha aya afgenbi lagu sameeyey waxaana loo yaqaan afgembigii Cadda ee aan dhiigu ku daadan. Ujeedada loo soo diray ayay ahayd in ay madaxweynaha oo xidhiidh la sameeyay Ruushka Meesha laga saaro.
Sidoo kale Madaxweynihii hore Maraykanka Ronlad Regan isaga faaliyihisu ayaa xataa ka joojay inuu ka qayb galo shirar calami. (oddity of history mysterious events)

























