“Somaliland Waxa ay Abuurtay Dowladnimo Dimuquraadi ah, Horumar Dhaqaale iyo Nabadgelyo La Isku Halleyn Karayo”

0
86

“Aqoonsigu wuxuu Somaliland siinayaa fursad ay ku xoojiso saamayanta booskeeda caalamiga ah iyo awoodeedda go’aaminta arrimaha gobolka”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Wargeyska International Relations Review ee Jaamacadda Boston University ayaa soo bandhigay dadaallada Somaliland ku xoojinayso xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo saamaynta ballaadhan ee ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil. Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay sida aqoonsiga Somaliland uu muujinayo isku dhafka arrimaha aqoonsiga, dhaxalka maxmiyaddii Ingiriiska, siyaasadda gobolka, iyo diblomaasiyadda caalamiga ah ee Geeska Afrika.

Warbixintu waxay si faahfaahsan u tilmaamaysaa in go’aanka dowladda Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland uu leeyahay saameyn weyn oo istiraatijiyadeed iyo mid siyaasadeed, kaas oo si dhab ah uga jawaabaya dadaallada muddada dheer socday ee Somaliland ku doonaysay inay hesho madax-bannaani buuxda iyo aqoonsi caalami ah, kaas oo si weyn u xoojiyay booskeeda siyaasadeed iyo sumcadda dawladnimo ee gobolka Geeska Afrika.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in go’aankani si cad u saameynayo isbeddelada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Bariga Dhexe, isagoo u oggolaanaya Somaliland inay kaalin muuqata ka ciyaarto saameynta istiraatijiyadeed ee gobolka. Warbixintu waxa kale oo ay xustay in aqoonsiga Israa’iil uu abuurayo fursado cusub oo ku salaysan xidhiidho diblomaasiyadeed iyo iskaashi caalami ah, isla markaana uu Somaliland u suurta gelinayo inay ka mid noqoto xulafada caalamiga ah ee ka hortagta khataraha amni ee ka iman kara kooxaha hubeysan ee gobolka.

Warbixinta International Relations Review oo wargeyska Dawan soo turjumay ayaa lagu bilaabay sidan “Dadaalka Somaliland ee ku saabsan madax-bannaanideeda iyo aqoonsiga dhawaan ka yimid Israel wuxuu iftiimiyay isku dhafka ka dhexeeya aqoonsiga, dhaxalkii maxmiyadda Ingiriiska, siyaasadda gobolka, iyo diblomaasiyadda caalamiga ah ee Geeska Afrika. Sidoo kale go’aankan ayaa leh saameyn weyn oo si cad u taabanaya doonista Somaliland, saamaynta siyaasadeed ee gobolka, Badda Cas iyo Bariga Dhexe. Haddaba si aynu si buuxda ugu fahamno macnaha dhabta ah ee arrintan, waa in aynu ka baarannaa dhinacyada taariikhiga ah, siyaasadeed, iyo istiraatijiyadeed ee saameeya labada dhinac (Somaliland iyo Israel.)”

International Relations Review waxa kale oo ay intaasi raacisay “Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991, Somaliland waxay ku hawlaneyd inay noqoto dowlad madax-bannaan oo gaar ah. waxay gaadhay nabadgelyo la isku halleyn karo, horumar dimuqraadiyadeed, iyo horumar dhaqaale, taasoo ka dhigaysa mid ay kaga duwan tahay dalalka kale ee la deriska ah.

Taariikhda xornimadii Somaliland ee 1960 ee uu bixiyay Ingiriiska, ayaa ah mid ka duwan tan gumaysiga dalal kale oo Afrika ah, taasoo u saamaxday inay aasaas adag u dhisato dowladnimada casriga ah.”

International Relations Review waxa kale oo ay si cad u ftiimisay taariikhda iyo sababaha dhabta ah ee ka dambeeya madax-bannaanida Somaliland, waxaana lagu yidhi “Isku darkii Somaliland iyo Soomaaliya 1960, iyo dagaalladii sokeeye ee xigay, ayaa ahaa sababta ugu weyn ee Somaliland ku dhiirrigelisay madax-bannaanideeda. Xasuuqii 1980-meeyadii, oo ay geysatay dowladdii Siyaad Barre, ayaa xoojiyay rabitaanka dadka ee madax-bannaanida. Qadiyadda Somaliland waxay salka ku haysaa hannaanka dowladnimo, iyo shuruudaha caalamiga ah sida lacagteeda, baasaboorada, iyo doorashooyinka xorta ah, iyadoo sidoo kale adeegsanaysa mabda’a uti possidetis juris ee ilaalinta xuduudaha gumaysiga.”

Warbixinta International Relations Review ayaa lagu soo gabagabeeyay in bishii Diseembar 2025, Israel ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland, taasoo siisay fursad ay ku xoojiso booskeeda caalamiga ah iyo saamayneeda siyaasadeed. Waxaana lagu yidhi “Bishii Diseembar 2025, Israel waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland, taasoo siinaysa Somaliland fursad ay ku xoojiso booskeeda caalamiga ah iyo siyaasadeed, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Israel ku tilmaamay in go’aankii istaraatiijiga ahaa ee aqoonsiga mdi ay xaq u leedahay Somaliland.

Sidoo kale waxa lagu sheegay warbixinta International Relations Review in aqoonsiga caalamiga ah ee ay heshay Somaliland uu siinayo fursad muhiim ah oo ay kaalin muuqata kaga qaadato siyaasadda iyo amniga gobolka, iyadoo si gaar ah awood ugu yeelanaysa la dagaallanka khataraha ka iman kara kooxaha hubeysan ee xagjirka ah, isla markaana xoojinaysa awooddeeda istiraatijiyadeed iyo saameynta ay ku leedahay go’aamada gobolka.