Pep Guardiola Oo Ganaax Culus La Dul-dhigay Ka Hor Kulanka Real Madrid

0
72

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa la ganaaxay laba kulan kadib markii uu qaatay kaarkiisii lixaad ee digniinta xilli ciyaareedkan.

Guardiola ayaa kaarka qaatay intii lagu jiray kulankii FA Cup ee ay City la ciyaareysay Newcastle United Sabtidii. Kaarka ayaa yimid kadib muran dhex maray isaga iyo garsooraha afraad Lewis Smith, markii Kieran Trippier uu qalad ku galay ciyaaryahanka City Jérémy Doku.

Tababaraha reer Spain ayaa sidoo kale la arkay isagoo si jees-jees ah u sacbinaya kadib markii Omar Marmoush uu dhaliyay goolkii ka dhigay ciyaarta 3–1.

Ganaaxan ayaa ka dhigan in Guardiola aannu joogi doonin khadka tababare yaasha marka Manchester City ay la ciyaareyso West Ham United kulan ka tirsan Premier League toddobaadka soo socda, sidoo kale wuxuu seegi doonaa kulanka quarter-final-ka ee FA Cup bisha April.

Si kastaba ha ahaatee, xeerarkan ma khuseeyaan UEFA Champions League iyo final-lada koobabka. Sidaas darteed Guardiola wuxuu kursiga keydka joogi karaa marka City ay la ciyaareyso Real Madrid, iyo sidoo kale final-ka EFL Cup ee ay la ciyaari doonaan Arsenal FC 22-ka March.