Somaliland iyo UNCDF oo ka Wada-Hadlay Xoojinta La-qabsiga Isbeddelka Cimilada

0
95

Barnaamijka Deegaan-Jire ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa uu diiradda saarayaa kulamo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada lagaga hortagayo saameynta isbeddelka cimilada iyo horumarinta deegaanka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan, oo ay wehelinayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Mudane Cabdi Cali Mahdi iyo la-taliyeyaasha wasaaradda, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wefti ka socday hay’adda Qaramada Midoobay ee United Nations Capital Development Fund (UNCDF) oo booqasho shaqo ku jooga dalka.

Weftiga ka socday UNCDF waxa hoggaaminayey Dr. Mkhululi Ncube, oo ah Country Manager, waxaana ka mid ahaa Dr. Brend Panella oo ah Investment Specialist iyo Mohamed Ahmed oo ah Programme Specialist.

Kulankaasi waxa uu ka qabsoomay xarunta wasaaradda Deegaanka, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashi wax-ku-ool ah oo u dhexeeya Somaliland iyo hay’adda UNCDF, gaar ahaan dhinacyada taageerada mashaariicda la xidhiidha biyaha, nadaafadda iyo adkaysiga isbeddelka cimilada (WASH and Climate Resilience).

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay maalgelinta mashaariic deegaanka wax ka taraya, kuwaasi oo gacan ka geysan kara yaraynta saameynta taban ee isbeddelka cimiladu ku leedahay bulshada iyo khayraadka dabiiciga ah. Waxaa sidoo kale la falanqeeyey fursadaha maalgelin ee lagu horumarin karo adeegyada biyaha iyo nadaafadda, si loo xoojiyo awoodda bulshada ee la qabsiga xaaladaha cimilada ee sii adkaanaya iyo Abaaraha daba dheeraaday.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa kulanka ku muujiyey sida ay wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgelin lagu hirgeliyo mashaariic waxtar leh oo si toos ah uga jawaaba caqabadaha deegaanka. Wasiir Cabdilaahi Geej-jire waxa uu xusay in isbeddelka cimiladu uu yahay mid si weyn u saameeya bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dadka ku tiirsan xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah.

 

Dhanka kale, weftiga ka socday hay’adda UNCDF ayaa si weyn u bogaadiyey dadaallada ay wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland ku bixinayso ilaalinta deegaanka iyo la-qabsiga saameynta isbeddelka cimilada. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland, si loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah oo ka faa’iidaysanaya khibradda farsamo iyo taageerada maalgelin ee hay’adda.

Kulankani waxa uu muujinayaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyada oo diiradda la saarayo helidda taageero iyo maalgelin lagu hirgeliyo mashaariic waxtar leh oo ka jawaaba caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada. Mashaariicdan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya ilaalinta deegaanka iyo taageeridda bulshada nugul ee sida tooska ah u dareema saameynta isbeddelka cimilada.