Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan) Waxa si guul ah dalka Israel ugu soo dhammaaday wejigii koowaad ee tababar heerkiisu sarreeyo oo loo fidinayay khubaro ka socota Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. Tababarkan oo socday muddo 25 cisho ah, ayaa khubarada lagu barayay tignoolajiyada ugu dambaysa ee maareynta, sahminta, iyo soo saarista biyaha. Munaasabaddii xidhitaanka dufcaddii koowaad, waxaa goob-joog ahaa Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda MASHAV (Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Israel), kaas oo shahaadooyin guddoonsiiyay xubnihii tababarka dhammaystay, isagoo ku bogaadiyay dedaalka iyo aqoonta ay muujiyeen.
Kormeerka Goobaha Istiraatiijiga ah: Intii uu tababarku socday, khubarada Somaliland waxay booqashooyin indha-indheyn ah ku tageen xarumaha ugu muhiimsan ee dalka Israel, oo lagu yaqaanno inuu yahay dalka kowaad ee adduunka dhanka farsamada biyaha. Goobaha ay booqdeen waxaa ka mid ah: Ceelasha Dhaadheer: Sida loo qodo loona maamulo ceelasha biyaha ee moolka fog. Biyo-macaynta (Desalination): Warshadaha casriga ah ee biyaha badda looga dhigo kuwa la cabbi karo. Nadiifinta Biyaha Wasakhda ah (Waste Water Treatment): Sida dib loogu isticmaalo biyaha bulshadu isticmaashay si loogu waraabiyo beeraha, taas oo Israel ay hoggaaminayso caalamka.
Kordhinta Muddada Tababarka: Iyada oo la tixgelinayo muhiimadda uu mashruucani u leeyahay qaranka Somaliland, waxaa khubarada loogu daray muddo dheeraad ah si ay u sii qoto-dheereeyaan aqoontooda. Khubarada u sarreysa dalka Israel ayaa si gaar ah u baraya farsamooyinka lagu xallin karo baahiyaha biyaha ee ka jira deegaannada Somaliland, si marka ay dalka dib ugu soo laabtaan ay u hirgeliyaan isbeddel dhab ah oo dhanka khayraadka biyaha ah.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha Madaxtooyada Somaliland ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo in dalku gaadho isku-fillaansho dhanka biyaha ah, iyadoo la adeegsanayo aqoonta khubarada adduunka ugu horreysa.






















