Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Xoojinayso Tayadda Xogta iyo Adeegyada Tallaalka (EIR)

0
69

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa bilowday hirgelinta nidaamka Electronic Immunization Registry (EIR), iyadoo tablet-yo iyo akoonno la siiyay 12 xarumood oo caafimaad (7 dawladeed iyo 5 gaar loo leeyahay) oo bixiya adeegyada tallaalka carruurta. Shaqaalaha xarumahan ayaa hore u qaatay tababar ku saabsan isticmaalka nidaamka.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Axmed Maxamuud Jaamac, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Carruurta iyo Tallaalka, Madaxa Xogta ee Heer Qaran, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex, iyo wakiillo ka socday hay’adda Save the Children iyo 12-ka xarumood ee mashruuca ku jira.

Nidaamka EIR wuxuu ka wareejinayaa diiwaangelinta tallaalka hab warqadeed una beddelayaa hab dijitaal ah, wuxuuna leeyahay SMS xasuusin oo waalidiinta lagu ogeysiinayo maalinta tallaalka carruurtooda. Nidaamkan ayaa sidoo kale ku xidhay DHIS2, si loo hagaajiyo tayada xogta caafimaadka loona xoojiyo go’aan qaadashada ku salaysan xog sax ah.

Ujeeddada hirgelinta nidaamka Electronic Immunization Registry (EIR) ayaa ah, In diiwaangelinta xogta tallaalka carruurta laga dhigo mid sax ah oo dijitaal ah. In la fududeeyo la socodka jadwalka tallaalka carruurta. In waalidiinta loo diro fariimo xasuusin (SMS) si carruurta loogu keeno tallaalka waqtigooda. In la hagaajiyo tayada xogta caafimaadka ee dalka. In la xoojiyo go’aan qaadashada ku salaysan xog sax ah ee Wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada maanta nasiibka u helay inay ka qayb-galaan tababarkan inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan, aqoonta ay barteenna u gudbiyaan shaqaalaha kale, isla markaana si hufan uga hirgeliyaan xarumaha ay ka shaqeeyaan.