Lix Senator oo muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa Axaddii sheegay inay aad uga naxeen wararka soo baxaya ee sheegaya in militariga Maraykanka uu mas’uul ka ahaa weerar lagu qaaday iskuul Iiraan ku yaal oo ay ku dhinteen 169 carruur ah sida ay hore u sheegtay warbaahinta dawladdu kaas oo dhacay bilowgii weerarada 28-kii Febraayo.
“Falanqayn madax-bannaan ayaa si la isku halleyn karo ayaa sheegaysa in weerarka ay fuliyeen ciidamada Maraykanka, taas oo haddii ay run noqoto, ka dhigi doonta mid ka mid ah kiisaska ugu xun ee dhimashada rayidka ah tobanaan sano tallaabo uu militariga Maraykanku ka qaaday Bariga Dhexe,”. Senatorada kala ah. Brian Schatz, Patty Murray, Jeanne Shaheen, Jack Reed, Mark Warner iyo Chris Coons ayaa sidaa ku yidhi bayaan wadajir ah .
“Xubnaha ciidamada Maraykanka waxaa xukuma xeerar adag oo loogu talagalay in lagu hormariyo xirfadda ugu sarreysa, sidaa darteed dhacdadan iyo wax kasta oo la mid ah waa in si buuxda oo dhexdhexaad ah loo eegaa,” ayay yidhaahdeen kooxda senatarrada, iyaga oo ugu baaqay Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth inuu jawaabo cad ka siiyo dadweynaha Maraykanka iyo Kongareeska sida iyo sababta masiibadani u dhacday.”
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii muuqaal la soo bandhigay dhammaadkii toddobaadka uu sidoo kale u muuqday inuu muujinayo duqeyn cirka ah oo Maraykanku uu ku bartilmaameedsanayo dhisme ku yaal saldhigga ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) oo ku xiga dugsiga.
In kasta oo Hegseth uu si isdaba joog ah u sheegay in Maraykanku uu baadhayo weerarka, haddana Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in “ay sameysay Iiraan arrintaas ,” balse taas waxay ka hor imaaneysa falanqayn ka timid CNN , warbaahinta kale iyo khubaro soo jeediyay in militariga Maraykanka uu mas’uul ka ahaa.






















