Premier League ayaa ku dhawaaqday in weeraryahanka Manchester City, Antoine Semenyo, uu ku guuleystay abaalmarinta Ciyaaryahanka Bisha kadib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka.
Semenyo ayaa si weyn u iftiimay bishii Febraayo, isagoo u saftay Manchester City 5 kulan, wuxuuna dhaliyay 3 gool. Kooxdiisa ayaa guuleysatay 4 kulan halka hal kulan ay barbaro galeen, taasoo ka dhigtay inuu ka mid noqdo ciyaartoyda ugu saameynta badan horyaalka waqtigaas.
Ciyaaryahankan ayaa ku biiray Manchester City intii lagu jiray suuqa kala iibsiga jiilaalka ee xilli ciyaareedkan, isagoo ka yimid AFC Bournemouth. Tan iyo markaas, wuxuu u saftay 14 kulan tartamada oo dhan isagoo ka hoos ciyaaraya Pep Guardiola, wuxuuna dhaliyay 7 gool isla markaana bixiyay 2 caawin, taasoo xoojisay weerarka kooxda.
Waxaa xusid mudan in Semenyo uu safka hore kaga jiray kulankii UEFA Champions League ee ay Manchester City la ciyaartay Real Madrid, balse aannu gool dhalin kulankaas.






















