“Sida Khayraadka Somaliland uu u Saameynayo Aqoonsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah”

0
65

“Lithium iyo Coltan: Macdanaha beddeleya mustaqbalka siyaasada Geeska Afrika”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Horn Vision ayaa sheegtay in khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland hodanka ku tahay uu si weyn u soo jiitay xiisaha dalal caalami ah. Warbixintu waxa kale oo y xustay in macdanta qarsoon ee Somaliland aanay kaliya ahayn hanti dhaqaale, balse ay sidoo kale tahay aalad u adeegaysa diblomaasiyadda, aqoonsiga, iyo saameynta istiraatiijiga ah ee gobolka. Sidoo kale waxay tilmaanay in doorka awoodaha caalamka iyo kuwa soo kordhay ay ula falgalayaan Jamhuuriyadda Somaliland ay go’aamin doonaan wajiga cusub ee siyaasadda Geeska Afrika.

Horn Vision waxay tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dal xasiloon oo ku yaal Geeska Afrika, ay hadda noqotay bartilmaameed muhiim ah oo caalami ah, sababo la xidhiidha khayraadkeeda macdanaha muhiimka ah sida lithium iyo coltan. Macdanahan oo ay warbixintu ku tilmaantay khayraad dhifka iyo naadirka ah oo muhiim u ah teknoolajiyada casriga ah iyo tamarta cagaaran, gaar ahaan baabuurta korontada ku shaqeeya, taleefannada casriga ah iyo nidaamyada milatari.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Somaliland dal saamayn ballaadhan ku leh tartanka siyaasadeedd ee adduunka khayraadka caalamiga ah, taas oo ah awood ay ku heli karto aqoonsi caalami ah mid diblomaasiyadeed, maalgashi, iyo isbeddelka isbahaysiga caalamiga ah. Sidoo kalena ay Somaliland leedahay nidaam dawladeed oo dimuquraadi ah, xasilooni buuxda iyo deked istiraatiiji ah oo Berbera ku taal, iyo karti ay ku dhisto silsilad sahay oo cusub oo ka madax bannaan gacanta Shiinaha.

Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay leedahay nidaam dawladeed oo dimuqraadi ah, xasilooni buuxda, iyo deked istiraatiiji ah oo Berbera ku taal, taasoo u oggolaanaysa inay dhisto silsilad sahay cusub oo madax bannaan. Sidoo kale waxay iftiimisay in sahanno caalami ah oo dhawaan la sameeyay ay muujimayaan in Somaliland ay leedahay macdan hodan ah oo soo jiidatay xiisaha caalamka sida dalalka Vietnam, Poland, iyo Uruguay, kuwaas oo raadinaya maalgashi iyo iskaashi ay la sameeyaan Somaliland.

Sidoo kale waxa lagu xusay in xukuumadda Somaliland ay ka faa’iidaysanayo fursadaha qaaliga ah ee ay haysato, waxaanay xustawy “Xukuumadda Somaliland waxay ka faa’iideysaneysaa fursadan qaaliga ah si ay u soo jiidato maal-gashi, isla markaana ay u dheellitirto saameynteeda dibadda, ugana faa’iideysato diblomaasiyadda macdanta, taas oo ah aalad awood leh oo u oggolaanaysa in khayraadka loo beddelo aqoonsi caalami ah iyo taageero siyaasadeed. Tartanka macdantan muhiimka ah ayaa beddeli kara dhaqaalaha dalka iyo saameynta uu caalamka ku leeyahay, iyadoo sidoo kale u adeegaysa silsiladaha sahayda ee teknoolajiyada.”

Warbuxintu waxay muujisay in tartanka macdantan muhiimka ahi ay bedeli karto dhaqaalaha Somaliland iyo saamaynta caalamiga ah ee Somaliland, waxaana lagu yidhi “Somaliland waxay hadda si lama filaan ah u soo jiidatay indhaha awoodaha caalamka sida Maraykanka, Shiinaha, Imaaraadka Carabta, iyo Turkiga, kuwaas oo ku tartamaya helitaanka macdanta muhiimka ah iyo kaabayaasheeda. Liithiyamka iyo koltanka ayaa muhiim u ah teknoolajiyada casriga ah, warshadaha difaaca, iyo baahida dunida ee tamarta cagaaran, taasoo Somaliland ka dhigaysa xudun istiraatiiji ah oo caalami ah.”

Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaantay in Xukuumadda Somaliland ay hantideeda qaaliga ah oo ay ku jiraan macdanaha lithium iyo coltan, ay u adeegsanayso kaadh diblomaasiyadeed, iyada oo diirrada saaraysa heshiisyo cusub iyo maalgashi caalami ah oo dalka u horseeda aqoonsi buuxa, waxaana lagu yidhi “Hantida macdanta ee Somaliland, oo ay ku jiraan lithium iyo coltan, ayaa hadda loo adeegsanayaa sidii kaadh diblomaasiyadeed, iyadoo heshiisyo cusub iyo maalgashiga caalamiga ahi ay dalka siinayaan fursad uu ku helo aqoonsi buuxa, qunsuliyado, iyo saameyn istiraatiiji ah. Horumarinta macdanta ayaa lagu sameynayaa si hufan, iyadoo ilaalinaysa caddaaladda, deegaanka, iyo danaha bulshada.”

Warbixinta ayaa galagu soo gabagabeeyay “Somaliland hadda waxay ku jirtaa xudunta siyaasadda khayraadka caalamiga ah, halkaas oo heshiisyada macdanta cusub iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dekedda Berbera, ay qaabayn doonaan dheellitirka awoodda gobolka iyo saameynta caalamiga ah. Baahida dunida ee macdanta muhiimka ah ayaa siinaysa Somaliland fursad aan horay loo arag si ay u hesho aqoonsi caalami ah iyo saameyn istiraatiiji ah.”