Hargeysa (Dawan) Wariyayaal ka tirsan Wargeyska caalamiga ah ee Financial Times oo dhawaan socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa ayaa warbixin qoto dheer oo dhinacyo badan leh ka diyaariyay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha horumarka, dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wargeysku waxa uu sidoo kale iftiimiyay sida Somaliland uga soo dhex baxday Geeska Afrika oo ah mandaqad ay hadheeyeen caqabado siyaasadeed iyo dhaqaale.
Warbixinta Financial Times, oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan, ayaa ku bilaabatay booqasho wariyayaasha wargeyskan caalamiga ahi ay ku tageen Wershadda Coca-Cola oo ku taalla duleedka magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Wershaddan oo la aasaasay sannadkii 2012, ayaa lagu maalgeliyay qiyaastii $17 milyan, taas oo qayb ka ah dadaalka iyo aragtida asaasaha Axmed Cismaan Guulle, oo aaminsan in mustaqbalka dhow dalkiisu heli doono aqoonsi ballaadhan.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo martay taariikh dheer oo halgan iyo dib-u-dhis ah, iyada oo tilmaantay in wakhti ka badan 35 sanno laga joogo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, ka dib burburkii Soomaaliya. Waxa kale oo lagu sheegay in Somaliland ay ku nool yihiin qiyaastii 6.2 milyan oo qof, iyadoo dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashigu ay xaddidnaayeen sababo la xidhiidha helitaanka nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, balse ay Somaliland hadda ku naaloonayso ictiraaf caalami ah oo ay ka heshay Israa’iil.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Shirkadda DP World ay ku maalgelisay qiyaastii $450 milyan casriyeynta dekedda caalamiga ah ee Berbera, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha ee gobolka iyo caalamka. Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay sannadkii hore guul ka gaadhay dhinaca raadinta aqoonsiga, kadib markii Israel ay aqoonsatay, arrintaas oo dhalisay rajo cusub oo ku saabsan in dalal kale ay raacaan tallaabadaas.
Financial Times waxa kale oo ay xustay in ku dhawaad 70% dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tiirsan yahay dhoofinta xoolaha nool ee loo iib geeyo dalalka Khaliijka. Halka lacagaha ay qurbajoogtu soo diraan ay dhaqaalaha qaranka Somaliland ka yihiin ku dhawaad saddex meelood meel dhaqaalaha dalka oo dhan, kaas oo lagu qiyaaso $4.28 bilyan, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in masuuliyiinta Somaliland ay rajaynayaan in taageerada Tel Aviv ay gacan ka geysato horumarinta dhinacyada beeraha, adeegyada bangiyada iyo kor u qaadista fursadaha Somaliland ee masraxa caalamiga ah. Waxa kale oo lagu sheegay in Somaliland ay leedahay dood sharci oo adag oo ku saabsan madaxbannaanideeda, maadaama ay ahayd dal xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya sannadkii 1960, midowgaas oo aan si rasmi ah loo ansixin.
Warbixintu waxay sidoo kale ka warrantay sida Somaliland ay dib ugu dhistay dalkeeda, kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaliya, iyada oo aan wax taageero ah ka helin beesha caalamka. Waxaa lagu sheegay in wax ka badan 93% dakhliga dawladda Somaliland laga soo saaro gudaha dalka, sida ay warbixintu ka soo xigatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. “Dekedda Berbera, oo dib loo casriyeeyay sannadkii 2021, ayaa hadda ka shaqaynaysa qiyaastii 25% awooddeeda, sida uu sheegay Cali Diiriye Axmed, Maareeyaha maamulka dekedaha. Shirkadda DP World ayaa qorshaynaysa inay labanlaabto awoodda dekedda si ay u gaadho 75% awooddeeda mustaqbalka.”
Warbixinta Financial Times ayaa ku sifeysay dekedda Berbera inay tahay xarun ganacsi oo muhiim ah oo isu diyaarinaysa inay noqoto meel muhiim u ah sahayda iyo isu socodka ganacsiga ee gobolka. “Dekedda Berbera waa xarun ganacsi oo muhiim ah waxayna isu diyaarinaysaa inay noqoto xarun ka shaqeysa sahayda muhiim ah ee gobolka,” ayay tidhi’ warbixinta Financial Times. Waxaanay intaasi raacisay “Dhanka kale, Ismaaciil Axmed, aasaasaha shirkadda WorldRemit, ayaa sheegay in inkasta oo lacagaha ay qurbajoogu soo diraan ay si fudud u gaadhaan Somaliland, haddana shirkadaha doonaya inay diraan lacagaha waaweyn ay weli la kulmaan caqabado la xidhiidha nidaamyada maaliyadeed.”
Aasaasaha Shirkadda Sharaabka Coca-cola Axmed Cismaan Geelle, ayaa sheegay in Somaliland tahay dawlad shaqeynaysa, hase ahaatee aanay jirin caymis adag iyo bangiyo waaweyn oo caalamiya. Warbixintu waxay xustay in Axmed Cismaan Geelle uu Shirkadda Coca-Cola ku qanciyay inay wershadiisa siiso warqadda aqoonsiga rasmiga ah “Sidoo kale, Axmed Cismaan Geelle, aasaasaha wershadda sharaabka Coca-Cola ee Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland tahay dawlad shaqaynaysa, balse ay weli ka jirto baahi loo qabo caymis xooggan iyo bangiyo waaweyn oo caalami ah.
Axmed Cismaan Geelle ayaa sidoo kale xusay in uu ku qanciyay shirkadda Coca-Cola inay wershaddiisa siiso warqad aqoonsi rasmi ah. Waxa uu sheegay in maalgashigiisu gaadhay ilaa £35 milyan, isagoo ku ballaadhiyay ganacsigiisa dhinacyada wershadaha, caanaha iyo daqiiqda, lacagtaas oo ka timid ganacsiyada qoyskiisa, isla markaana aanay jirin wax deyn ah oo uu qaatay.”
Sida ay sheegtay warbixinta Wargeyska Financial Times Axmed Cismaan Geelle ayaa carrabka ku adkeeyay in ujeeddadiisa ugu weyn ee maalgashigu ay tahay abuurista fursado shaqo, maadaama bulshada Somaliland ay u badan yihiin dhallinyaro u baahan shaqo iyo horumar dhaqaale.






















