“Cisbitaalka Guud ee Berbera Wuxuu Sameeyay Xarun u Gaara Aqoonta Kalkaalisoyinka” Waraysi Gaara

0
69

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Berbera oo faahfaahin ka bixiyay horumarka iyo waxyaabaha u qabsoomay

“Dhakhaatiirta takhasuska leh ee ka hawlgala Cisbitaalka Berbera” Waraysi Gaar ah: Agaasimaha Cisbitaalka”

 Qore: Faysal Xiis Afgaab

Berbera (Dawan) Agaasimaha guud ee Cisbitaalka degmada Berbera, Dr. Axmed Muuse Ibraahin (Xanaf), ayaa faahfaahin ka bixiyay horumarka iyo waxqabadka laga hirgeliyay cisbitaalka Berbera. Agaasimaha ayaa sheegay in sannadkii u dambeeyay la qaaday tallaabooyin kala duwan oo wax ku ool ah oo lagu horumariyay adeegyada caafimaadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-furidda waadhadh muddo xidhnaa, dayactirka dhismayaasha cisbitaalka, kor u qaadista tayada shaqaalaha caafimaadka iyo xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah.

Dr. Axmed Muuse Ibraahin (Xanaf), Agaasimaha guud ee Cisbitaalka degmada Berbera ayaa sheegay in ay kordhiyeen tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidiyo, isla markaana ay cisbitaalka ka hawl-galaan afar dhakhtar oo takhasus leh, kuwaasi oo daboolay baahiyo badan oo cisbitaalka ka jiray, isla markaana la xoojiyay adeegyada gurmadka degdegga ah iyada oo cisbitaalku sameeyay socdaallo lagu gaadhayo deegaanada fog fog ee ka tirsan goobolka Saaxil si bulshada loo gaadhsiiyo adeeg bixin caafimaad.

Sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Berbera, Dr. Axmed Muuse Ibraahin (Xanaf), waxa la hirgeliyay xarun loogu talo galay tababarka iyo tayaynta kalkaaliyeyaasha caafimaad iyo umulisooyinka ee gobolka Saaxil. Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu bulshada reer Berbera uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen ololihii dhiig shubista, isaga oo ku ammaanay sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen ololahaasi, waxaanu xusay in dhiig badan lagu kaydiyay Cisbitaalka si loogu adeegsado badbaadinta bukaanada ku jira xaaladaha degdegga ah.

Ugu horrayn agaasimaha guud oo ka jawaabayay waxyaabaha u qabsoomay intii uu hayay xilka Cisbitaalka guud ee Berbera ayaa yidhi. “Waxa aanu dayactir ku samaynay qaybo kamid ah dhismayaashii qadiimka ahaa ee Cusbitaalka. Sidoo kale na waxa aanu dib u furnay waadhadhkii xummada ee Ragga iyo Dumarka ee Cusbitalka Berbera oo muddo dheer xidhnaa. Waxa aanu samaynay marin isku xidha labada qaybood ee Cusbitaalka Guud ee Berbera. Halka markii hore loo sii dhexmari jiray waaxda TBda oo dhexdooda ku taalla, marinkaasna waxa aanu u samaynay si looga fogaado halista faafitaanka xanuunka TB-da.

Waxa aanu joogtaynay korna u qaadnay tababarrada iyo tayaynta shaqaalaha Cusbitaalka kuwaas oo si weekly ah loo siiyo tababarro. Waxa aanu tababarro ku saabsan computerka Ultrasoundka u dirnay Afar dhakhtar, halka 6 dhakhtar iyo 8 kalkaaliye aanu u dirnay tababarro ku saabsan maaraynta xaaladaha degdega ah iyo kuwa culus oo ay naga caawisay WHC.”

Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay “Waxa aanu saxnay hannaanka xogta ee qaybta shaybaadhka cusbitaalka, taas oo laga dhigay mid computerized ah iyadoo la isticmaalayo systemka WHC ee Health Information Systemka. Waxa aanu aasaasnay teamka gargaarka degdegga ah (Emergency Response Team) kuwaas oo si dhaqso ah uga jawaab celiya xaaladaha emergencyga ah ee dhaca sida shilalka iyo xanuunada dillaaca. Annaga oo ka duulayna kaalinta uu Cusbitaalku ugu jiro adeega bulshada, waxa aanu tiimam u dirnaa deegaanada ka baxsan magaalada Berbera ee xaaladaha caafimaad la soo gudboonaadaan. Tusaale ahaan tuulooyinka biyoolay iyo beeyo dhaadheer oo xaalado shuban la soo darsay waxa aanu u dirnay tiimam u gurmada oo xaaladooda daryeela.

Waxa kale oo uu agaasimuhu sheegay “Sida oo kale waxa aanu Oxygen gaadhsiinnaa deegaanno fog fog sida Ceerigaabo, Ceel afwayn, Garadag iyo Caynaba maadaama cusbitaalku haysto warshad oxygen oo kafaynaysa dhamaan baahiyaha Cusbitalka iyo Gobolka Saaxil.

waxa aanu kala shaqaynay Jaamacadda Adna Adan iyo Dawladda hoose ee Berbera adeeg caafimaad oo free ah oo ay u sameeyeen ardayda 5 School oo Berbera ku yaalla. Waxa aanu diyaarinay dhisme Cusbitalka dhexdiisa ah oo loogu talo galay in laga dhigo mac’hadka kalkaalisooyinka iyo umulisooyinka ee gobolka Saaxil.

Intaas uun maaha waxyaaba noo qabsoomay laakiin waxaan odhan karaa waa meelaha ugu mudan ee aan ka hir gelinay waxqabadyada kala duwan ee aan ka samaynay sicbitaalka guud ee degmada Berbera.”

Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Berbera Dr Axmed oo la waydiiyay sida ay bulshada reer Berbera uga qayb qaateen ololihii dhiig shubista qaran ee dadka loo kaydinayay,ayaa ku jawaabay. “ Run ahaantii dhawaan waxay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ay astaysay kaambayn ballaadhan oo dalka oo dhan ah oo ah maalinta dhiig shubista qaranka,markaa ka Cisbitaal guud Berbera ahaan intii qorshuhu ahaa in aan shubno waan wada shubnay hadday tahay madaxda gobolka kuwa degmada, masuuliyiinta kala duwan ee heer degmo iyo gobol iyo dadweynaha gobolkuba aad ayay uga qayb qaateen dhiig shubista waanan ku ammaanayaa arrinkaas oo ah in aynu haysano dhiig inoo kayd ah,waxaa kale oo Cisbitaalku uu awood u leeyahay in uu kaydiyo dhiig badan oo dadka lagu badbaadiyo xiliga xaaladda deg degga ah,waxaa kale oo jira dadweyne badan oo reer Berbera ah oo iyaguna si joogto ahba u sadaqasyta dhiigga oo Cisbitaalka ku xidhan,mana aha markii koobaad ee aanu qaadno lololaka ama kaambaynka dhiig shubista dhawr goor oo hore ayaan shibnay dhiig.”

Agaasmiaha Cisbigaalka guud ee Berbera oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in bulaan socodku xilli kasta oo uu soo gaacho cisbitaaka guud in uu helayo adeeg caafimaad iyo in kale ayaa yidhi. “Cisbitaalka guud ee Berbera dhammaan qaybihiisa kala duwani way shaqeeyaan afar iyo labaatanka saac ba waana loo adeegayaa dadka bukaanka ah markaa ma jirto hal daqiiqo oo firaaq shao ah oo bukaanku ay waayayaan cid u adeegta,hadday habeen tahay iyo hadday maalin tahayba shaqaalaha hawl wadeenada caafimaadka iyo dhakhaatiirtuba way is bedelayaan.”

Agaasimaha oo la waydiiyay in ay hadda Cisbitaalka ka hawl galaan dhakhaatiir takha sus ah,ayaa ku jawaabay. “imika dhakhtarka waxaa ka hawl gala afar dhakhtar ooo takhasusu ah oo kala ajj dhakhtar lafaha ah dhakhtar qaliimada culculus ah,dhakhtar xaaladaha deg degga ah ah iyo dkhakhtar caruurta ah,waxaa aklae oo ka hawl gala cisbitaalka dhakhaatiirta kale oo xiligan ku filan lkn waxaan odhan karaa waxaa walo nagu yar dhakhaatiirta takhasuska ah ka cisbitaal ahaan.”

Agaasimaha oo la waydiiyay kol haddii dawaynta iyo adeeg bixinta Cisbitaalku ay tahay wax is bixi waxna halaguugu daro ,dadka bukaanka ah ee danyarta ah sida loogu adeego,ayaa yidhi. “horta maka koobaadba siyaasaadda qaranku maaha in caafimaadku iib noqdo,markaa dadka aan u adeegno oo uba badan Danyar waxaan samaynaa qiimaynta xaalada qofka oo marka aan aragno in aanu awoodi Karin in uu baadhista iyo dawada in uu iska bixiyo bukaanku hadba ta ku culus,ayaa ka haafnaa bukaanka aan waoodin na waan kaba wada dhaafnaa oo dawada baadhista iyo qaliinkba qofka aan awoodin waan ka wada dhaafnaa,markaa dadka wixii awoodaya in ay iska bixiyaan adeeg yada caafimaad ee loo qabanayo na waa laga qaadaa inta aan wada awoodayn na waxa ay awoodaan ayaa laga qaadaa kuwa aan waxna awoodanta dhammaan adeegyada caaimaad ee ay u baahan yihiin bilaash ayaan ugu qabanaa.”

Agaasimaha Guud oo ka jawaabayay,su’aal laga waydiiyay halka ay cisbitaal guud ahaan higsanayaan iyo qorsheyaasha dhaw ee u dejisan,ayaa yidhi. “marwalba qorshayagu wuxuu yahay horumarinta adeeg bixinta bukaanka iyo rejo gelinta bukaanada Cisbitaalku u adeego anagoo fulinaysa siyaasadda qaran ee Caafimaadka oo ah siyaasada wasaaradda horumarinta caafimaadka waxyaabaha uhu horreeya ee cisbitaalka lagu soo kordhinayo waaa ka mid ah ST- SCAN cisbitaalka guud ee Berbera uu yeesho oo daboolaha baahiyaha adeeg bixinyta caafmaad,” ayuu ydhi agaasimaha cisbitaalka guud ee degmada Berbera oo xafiiskiisa ugu waramayay cisbitaalka Berbera ugu waramayay wargeyska Dawan.